Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga dib u heshiisiinta Qaranka oo bogaadiyay shirarka ay dowladdu qabato

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Dhoolatus ay sameynayaan ciidanka booliska oo Muqdisho ka socda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga dib u heshiisinta Qaranka oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa waxa ay uga hadleen arrimaha la xiriira hiigsiga Soomaaliya ee sanadka 2016-ka iyo doorashooyinka la filayo in ay dalka ka dhacaan, kulamada wada tashi oo ay dowladda u qabaneyso shacabka iyo sidoo kale dagaaladii dhawaan ka dhacay magaaladda Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Guddoomiyaha Guddiga Dib u heshiisinta Qaranka Mudane Ismaaciil Macalin Muuse oo kulanka ka dib saxaafadda shir u qabtay ayaa ka hadlay waxyaabihii kulankooda kasoo baxay, isagoo sheegay in Guddiga uu aad usoo dhaweynayo kulamada wada tashi oo ay wado dowladda oo uu ku tilmaamay in ay tahay fursad shacabka Soomaaliyeed ay ku dooran karaan nooca ay noqon doonto doorashada la filayo in ay dalka ka dhacdo sanadka 2016,ka.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Sidoo kale guddooomiyaha Guddiga dib u heshiisinta Qaranka ayaa ka hadlay dagaaladii dhawaan ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, isagoo soo dhoweeyay kaalintii odayaasha magaalada iyo labada maamulba ay ka qaateen qaboojinta xiisaddii colaadeed.

“Waxaan rabnaa oo guddiga go’aansaday in aan amaan u soo deejinayo guud ahaan aqoonyahanada iyo qeybaha bulshada ee Gaalkacyo ku nool oo runtii is hortaag inay damiyaan colaadda dhawaan ka soo cusboonaatay, anaguna baaq ayaan u direynaa oo ah in la qaato baaqyada bulshada ka imaanaysa” ayuu yiri Mudane Ismaaciil.

Guddiga dib u heshiisinta Qaranka ayaa arbaca walba yeesha kulan caadi ah kaasoo uu kaga hadlo xaaladda dalka uu marayo, gaar ahaan dhinaca dib u heshiisinta,waxaana guddiga uu kaalin weyn ka qaatay xalinta dagaal beeleedyadii dhawaan ka dhacay deegaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Previous Post

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland oo la kulmay Madaxa Hay’add Care

Next Post

WAR-MURTIYEED: Shirka Qaran ee Horumarinta Warbaahinta Soomaaliya oo la soo gabagabeeyay

Next Post
WAR-MURTIYEED: Shirka Qaran ee Horumarinta Warbaahinta Soomaaliya oo la soo gabagabeeyay

WAR-MURTIYEED: Shirka Qaran ee Horumarinta Warbaahinta Soomaaliya oo la soo gabagabeeyay

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In