Monday, May 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga dib u heshiisiinta Qaranka oo bogaadiyay shirarka ay dowladdu qabato

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 25, 2015
in Wararka
0
Dhoolatus ay sameynayaan ciidanka booliska oo Muqdisho ka socda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga dib u heshiisinta Qaranka oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa waxa ay uga hadleen arrimaha la xiriira hiigsiga Soomaaliya ee sanadka 2016-ka iyo doorashooyinka la filayo in ay dalka ka dhacaan, kulamada wada tashi oo ay dowladda u qabaneyso shacabka iyo sidoo kale dagaaladii dhawaan ka dhacay magaaladda Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Guddoomiyaha Guddiga Dib u heshiisinta Qaranka Mudane Ismaaciil Macalin Muuse oo kulanka ka dib saxaafadda shir u qabtay ayaa ka hadlay waxyaabihii kulankooda kasoo baxay, isagoo sheegay in Guddiga uu aad usoo dhaweynayo kulamada wada tashi oo ay wado dowladda oo uu ku tilmaamay in ay tahay fursad shacabka Soomaaliyeed ay ku dooran karaan nooca ay noqon doonto doorashada la filayo in ay dalka ka dhacdo sanadka 2016,ka.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo maanta Baqdaad uga qeyb-gali doona meertada 34aad ee Shirka Jaamacadda Carabta

Madaxweynaha JFS oo maanta Baqdaad uga qeyb-gali doona meertada 34aad ee Shirka Jaamacadda Carabta

May 17, 2025
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Masar 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Masar 

May 16, 2025

Sidoo kale guddooomiyaha Guddiga dib u heshiisinta Qaranka ayaa ka hadlay dagaaladii dhawaan ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, isagoo soo dhoweeyay kaalintii odayaasha magaalada iyo labada maamulba ay ka qaateen qaboojinta xiisaddii colaadeed.

“Waxaan rabnaa oo guddiga go’aansaday in aan amaan u soo deejinayo guud ahaan aqoonyahanada iyo qeybaha bulshada ee Gaalkacyo ku nool oo runtii is hortaag inay damiyaan colaadda dhawaan ka soo cusboonaatay, anaguna baaq ayaan u direynaa oo ah in la qaato baaqyada bulshada ka imaanaysa” ayuu yiri Mudane Ismaaciil.

Guddiga dib u heshiisinta Qaranka ayaa arbaca walba yeesha kulan caadi ah kaasoo uu kaga hadlo xaaladda dalka uu marayo, gaar ahaan dhinaca dib u heshiisinta,waxaana guddiga uu kaalin weyn ka qaatay xalinta dagaal beeleedyadii dhawaan ka dhacay deegaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan.

 

Previous Post

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland oo la kulmay Madaxa Hay’add Care

Next Post

WAR-MURTIYEED: Shirka Qaran ee Horumarinta Warbaahinta Soomaaliya oo la soo gabagabeeyay

Next Post
WAR-MURTIYEED: Shirka Qaran ee Horumarinta Warbaahinta Soomaaliya oo la soo gabagabeeyay

WAR-MURTIYEED: Shirka Qaran ee Horumarinta Warbaahinta Soomaaliya oo la soo gabagabeeyay

Madaxweynaha JFS oo maanta Baqdaad uga qeyb-gali doona meertada 34aad ee Shirka Jaamacadda Carabta

Madaxweynaha JFS oo maanta Baqdaad uga qeyb-gali doona meertada 34aad ee Shirka Jaamacadda Carabta

May 17, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq kaga qaybgali...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Masar 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Masar 

May 16, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa Khamiistii kulan-doceed kula yeeshay...

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah

May 15, 2025
0

Kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa....

Madaxweynaha JFS oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada 

Madaxweynaha JFS oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada 

May 15, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga, xilli...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In