Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga difaaca ee Baarlamaaanka oo su’aallo weydiiyay taliska AMISOM oo tacayadiyo lagu eedeeyay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Guddiga difaaca ee Baarlamaaanka oo su’aallo weydiiyay taliska AMISOM oo tacayadiyo lagu eedeeyay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka su’allo weeydiinta oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho waxaa kasoo qeybgalay oo guddiga Difaaca ee Baarlamaanka ay u yeerteen Danjiraha Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya ahna madaxa howlgalka AMISOM Maman Sidikou, taliyaha Ciidammada Midowga Afrika ee AMISOM Jeneraal Jenathan Ronu, ku xigeenkiisa iyo saraakiil kale oo ka socotay taliska Midowga Afrika ee howlgalka AMISOM.

Kulanka oo shir Guddoominayey Guddoomiyaha Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa waxaa xubnaha guddiga difaaca ee Baarlamaanku ay weeydiiyeen su’aallo la xiriira sida uu u socda howlgalka gobollada dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab, sharciyada ciidammada AMISOM, xadgudubyo lagu eedeeyey in Ciidammada AMISOM ay ka geysteen magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelada Hoose iyo deegaanno ka kala tirsan gobollada Bakool iyo Hiiraan.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026

Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo markii uu kulankaasi soo gebageboobay kadib la hadlay Warbahinta Qaranka ayaa tilmaamay in su’aallihii ay weeydiiyeen xubnaha martida u ahaa waxaana uu uga mahad celiyey aqbalaadda u yeerista guddiga, waxyaabaha la isku af gartayna ay ka mid tahay guddiyo labada dhinac ah in loo saaro baarista xad gudubyada lagu eedeeyey ciidammada AMISOM.

Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM Maman Sidikou oo isna dhankiisa la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa tilmaamay iney aad ugu faraxsan yihiin in Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka ay u yeertaan, isla markaana su’aallo la weeydiiyo waxaana uu ballan qaaday dhankooda iney sii wadi doonaan wadashaqeynta ay leeyihiin guddiga Difaaca ee Baarlamaanka.

Kulankan su’allaha lagu weeydiinayey safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo Taliyaha ugu sareeya ciidammada AMISOM waxa uu qeyb ka yahay waajibaadka uu Golaha Shacabka u idmaday Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka oo ah iney u kuurgalaan wax walba oo la xiriira difaaca ama hoostaga Gaashaandhigga.

1 2 3 4

 

Previous Post

Wasiirka arrimaha gudaha oo la kulmay Guddiga madaxa banaan ee xuduudaha “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In