Wednesday, February 8, 2023
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga difaaca ee Baarlamaaanka oo su’aallo weydiiyay taliska AMISOM oo tacayadiyo lagu eedeeyay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
August 11, 2015
in Wararka
0
Guddiga difaaca ee Baarlamaaanka oo su’aallo weydiiyay taliska AMISOM oo tacayadiyo lagu eedeeyay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka su’allo weeydiinta oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho waxaa kasoo qeybgalay oo guddiga Difaaca ee Baarlamaanka ay u yeerteen Danjiraha Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya ahna madaxa howlgalka AMISOM Maman Sidikou, taliyaha Ciidammada Midowga Afrika ee AMISOM Jeneraal Jenathan Ronu, ku xigeenkiisa iyo saraakiil kale oo ka socotay taliska Midowga Afrika ee howlgalka AMISOM.

Kulanka oo shir Guddoominayey Guddoomiyaha Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa waxaa xubnaha guddiga difaaca ee Baarlamaanku ay weeydiiyeen su’aallo la xiriira sida uu u socda howlgalka gobollada dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab, sharciyada ciidammada AMISOM, xadgudubyo lagu eedeeyey in Ciidammada AMISOM ay ka geysteen magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelada Hoose iyo deegaanno ka kala tirsan gobollada Bakool iyo Hiiraan.

Related posts

Dowladda oo digniin adag u dirtay Imaamyada, Khadiibyada iyo Mu’adimiinta Masaajidda

February 7, 2023
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimahada dibadda oo kalun la yeeshay safiirka dowladda Qatar ee Soomaaliya.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimahada dibadda oo kalun la yeeshay safiirka dowladda Qatar ee Soomaaliya.

February 7, 2023

Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo markii uu kulankaasi soo gebageboobay kadib la hadlay Warbahinta Qaranka ayaa tilmaamay in su’aallihii ay weeydiiyeen xubnaha martida u ahaa waxaana uu uga mahad celiyey aqbalaadda u yeerista guddiga, waxyaabaha la isku af gartayna ay ka mid tahay guddiyo labada dhinac ah in loo saaro baarista xad gudubyada lagu eedeeyey ciidammada AMISOM.

Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM Maman Sidikou oo isna dhankiisa la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa tilmaamay iney aad ugu faraxsan yihiin in Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka ay u yeertaan, isla markaana su’aallo la weeydiiyo waxaana uu ballan qaaday dhankooda iney sii wadi doonaan wadashaqeynta ay leeyihiin guddiga Difaaca ee Baarlamaanka.

Kulankan su’allaha lagu weeydiinayey safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo Taliyaha ugu sareeya ciidammada AMISOM waxa uu qeyb ka yahay waajibaadka uu Golaha Shacabka u idmaday Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka oo ah iney u kuurgalaan wax walba oo la xiriira difaaca ama hoostaga Gaashaandhigga.

1 2 3 4

 

Previous Post

Wasiirka arrimaha gudaha oo la kulmay Guddiga madaxa banaan ee xuduudaha “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Dowladda oo digniin adag u dirtay Imaamyada, Khadiibyada iyo Mu’adimiinta Masaajidda

February 7, 2023
0

Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta XFS ayaa soo saartay amarro Imaamyada iyo Khadiibyada masaajidda looga digayo inay la macaamilaan Khawaarijta...

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimahada dibadda oo kalun la yeeshay safiirka dowladda Qatar ee Soomaaliya.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimahada dibadda oo kalun la yeeshay safiirka dowladda Qatar ee Soomaaliya.

February 7, 2023
0

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda  Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Xamse Aadan Xaadoow ayaa maanta kulan kula yeeshay xarunta...

Xubno ka tirsanaa Khawaarijta oo isu soo dhiibay Ciidanka xoogga dalka.

Xubno ka tirsanaa Khawaarijta oo isu soo dhiibay Ciidanka xoogga dalka.

February 7, 2023
0

Labo xubnood oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta 60-aad...

Erdogan: Dhulgariirkan waa mid ka mid ah musiibooyinkii ugu weynaa ee Turkiga soo maray.

Erdogan: Dhulgariirkan waa mid ka mid ah musiibooyinkii ugu weynaa ee Turkiga soo maray.

February 7, 2023
0

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa xaqiijiyay in dhulgariirkii ku dhuftay dalkiisa uu ahaa mid ka mid ah masiibooyinka dabiiciga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In