Friday, January 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Difaaca Golaha Shacabka oo maanta ka hadlay Weerarkii Hoyga Senator C/Qeybdiid iyo darbiga Kenya dhiseyso+Sawirro

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo u tacsiyeeyay Tifaftiraha Wakaaladda Wararka SONNA oo xaaskiisa ay ku dhimatay Muqdisho

January 23, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

January 23, 2026

kulanka Gudiga Difaaca ee Golaha Shacabka uu maanta ku yeeshay Magaaladda Muqdisho ayaa waxa uu kaga hadlay arinta ku saabsan derbiga la sheegay in Dowladda Kenya ay ka dhiseyso xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Guddiga ayaa aad walaac uga muujiyay arintaasi oo uu sheegay in uu aad uga xun yahay ,waxaana Gudiga uu sheegay in arintaasi loo saari doono Guddi xaqiiqa raadin ah oo soo uruuriya xogta rasmiga ah ee arintaasi.

Sidoo kale Guddiga ayaa inta kulankiisa uu socday cambaareeyay weerarkii 30-kii bishan lagu qaaday Guriga uu Magaalada Muqdisho ka degan yahay Senator Cabdi Xasan Cawaale ”Qeybdiid” oo ah mudane ka tirsan Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Dalka.

Xoghaya Guud ee Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo Warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa sheegay in Guddiga Difaaca uu si aad ah uga dooday weerarkii shalay lagu qaaday Guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo walaaca ka taagan darbiga Kenya ay ka dhiseyso Xadka Beledxaawo iyo Kenya.

Gaba gabadii Guddiga ayaa Magacaabay 5-Xubnood oo ay iska soo xuleen kuwaasi oo baaritaano ku sameynaya sababta ka dambeysay weerarka Hoyga Sanoter Cabdi Qeybdiid iyo cida weerartay intaba.

Previous Post

Aqalka sare oo dood ka yeeshey habraaca xeerka Miisaaniyadda Dowladda ee 2018+Sawirro

Next Post

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo go’aan kasoo saaray dalabkii xeer ilaaliyaha Qaranka

Next Post
Baarlamaanka oo maanta kulmi doona

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo go'aan kasoo saaray dalabkii xeer ilaaliyaha Qaranka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo u tacsiyeeyay Tifaftiraha Wakaaladda Wararka SONNA oo xaaskiisa ay ku dhimatay Muqdisho

January 23, 2026
0

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEEHI RAAJICUUN Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Da’ud Aweys Jaamac, ayaa ka...

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

January 23, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo safar shaqo ku jooga dalka Bakistaan, ayaa booqday xarunta Hay’adda...

Wasiirka Warfaafinta XFS “Dowladda xaq ayeey u leedahay in ay laasho heshiis kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo madaxbannaanida dalka

Wasiirka Warfaafinta XFS “Dowladda xaq ayeey u leedahay in ay laasho heshiis kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo madaxbannaanida dalka

January 23, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in go’aanka dowladda ee...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta

January 23, 2026
0

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer sare ah oo ahaa Kulanka 29-aad ee Golaha Wasiirrada Carabta ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In