Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga doorashada Heer Dowlad Goboleed ee Koonfur Galbeed oo warqad codsi ah u diray Madaxweynaha Maamulkaas

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
July 29, 2021
in Wararka
0
Guddiga doorashada Heer Dowlad Goboleed ee Koonfur Galbeed oo warqad codsi ah u diray Madaxweynaha Maamulkaas
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maanta oo ay tahay taariikhdu 29-July-2021; Guddiga Maamulka Doorashada Heer dowlad Goboleed Koonfur Galbeed ayaa warqad codsi ah u diray Madaxwaynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed  Laftagareen, kaasi oo ku saabsanaa inuu soo gudbiyo liiska musharixiinta u tartamaya Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Warqadda ay guddiga u direen Madaxweynaha Koonfur galbeed ayaa u qorneyd sidan.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Codsi soo gudbin Liiska musharixiinta u tartameya Golaha Aqalka Sare

Mudane Madaxweyne, anagoo tixraaceyno heshiisyadii doorashada ee 17 September, 1 October, 27 May, iyo 29 June. Anaga oo raaceyno sida shaxda doorashada loo dajiyay ee ku mudeysan heshiisyadii iyo jadwalka ay soo saareen Madaxda Qaranka iyo Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer Federaal. Anagoo cadeeneena inaan diyaar u nahay gudashada waajibaadka Qaran, iyada oo aan raaceyno habraaca Doorashada Golaha Aqalka Sare, waxa aan halkan kuugu soo gudbineynaa codsi ku aadan inaad noo soo gudbiso liiska magacyada u sharxan  Aqalka Sare ee dalka.

Mudane Madaxweyne, iyada oo aan wada ogsoonahay in lagu guda jiro waqtigii loo asteeyay qabashada doorashada, laga marmaantahay taaba gelinta iyo isku dabaridka howlaha guddiga, anaga oo ku kalsoon mas’uuliyadda aad u heyso shacbiga reer Koonfur Galbeed , waxaan markale kaa codsaneynaa inaad noogu soo gudbiso Liiska musharixiinta u tartamaya Aqalka Sare.

Ugu dambeyn Mudane Madaxweyne waxaan kaa rajeyneynaa inaad naga aqbali doontid codsigan.

Mahadsanid

Previous Post

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo Shir-Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada “SAWIRRO”

Next Post

Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashada Heer Federaal oo bogaadiyay hannaanka ay u dhacday doorashada Aqalka Sare

Next Post
Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashada Heer Federaal oo bogaadiyay hannaanka ay u dhacday doorashada Aqalka Sare

Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashada Heer Federaal oo bogaadiyay hannaanka ay u dhacday doorashada Aqalka Sare

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In