Sunday, July 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga doorashooyinka heer federaal oo sheegay inuu isbedel ku yimid jadwalka doorashooyinka Golaha Aqalka Sare

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
December 29, 2020
in Wararka
0
Guddiga doorashooyinka heer federaal oo sheegay inuu isbedel ku yimid jadwalka doorashooyinka Golaha Aqalka Sare
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

July 13, 2025
Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

July 12, 2025
Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federaal (GHDHF) wuxuu daneeyeyaasha arrimaha doorashooyinka ku wargelinayaa in isbaddal uu ku yimid jadwalka doorashooyinka Golaha Aqalka Sare ee horey loo qorsheeyey in ay bilaabmato 31ka Diseembar 2020 ilaa 6da Jannaayo 2021.
Guddigu waxa uu la wadaagayaa Madaxda Dowladaha Xubnaha Ka ah Dowladda Federaalka in qabashada codsiyada murashixiinta Golaha Aqalka Sare ay ku egtahay 5ta Jannaayo 2021, halka tartanka kuraasta Aqalka Sare loo asteeyay in la qabto inta u dhaxaysa 7-14 Jannaayo 2021.
Isbaddalka jadwalkan wuxuu ku saleysan yahay codsi Guddiga Doorashooyinka uga yimid Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ku aaddan in muddadaa dib loo dhigo waqtiga loo asteeyey Doorashada Aqalka Sare.
Muddadaas waxaa lagu dhammeystirayaa hawlaha qabyada ah ee dhanka qabashda codsiyada murashixiinta iyo diyaarinta agabyada iyo deegaanka ay ku shaqeynayaan Guddiyada Maamulaya Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed.
Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal waxa uu uga mahadcelinayaa Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada tixgelinta ay siiyeen codsiga Madaxweynaha Galmudug
Tags: Guddiga doorashooyinka heer federaal oo sheegay inuu isbedel ku yimid jadwalka doorashooyinka Golaha Aqalka Sare
Previous Post

Qormo: Dhaqanka Siyaasiga iyo Qidooyinka uu Adeegsado

Next Post

AMISOM oo bilado guddoonsiisay saraakiil ka tirsan cutubka 28aad ee AMISOM “SAWIRRO”

Next Post
AMISOM oo bilado guddoonsiisay saraakiil ka tirsan cutubka 28aad ee AMISOM “SAWIRRO”

AMISOM oo bilado guddoonsiisay saraakiil ka tirsan cutubka 28aad ee AMISOM “SAWIRRO”

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

July 13, 2025
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas oo khuseeya sugidda Amniga Duulista Rayidka, heshiisyada ay Soomaaliya xubinta ka...

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

July 12, 2025
0

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha Dr Hodan Cusmaan Cabdi, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Beijing ku qaabishay saraakiil dowladeed oo...

Guddoomiyaha SoDMA iyo  Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay  Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha SoDMA iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamed Macalin Cabdulle, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweyne ku‑xigeenka Dowlad...

Wasaaradda Howlaha Guud ee Hirshabeelle oo dhagax-dhigtay dhismaha waddooyinka Beledweyne

Wasaaradda Howlaha Guud ee Hirshabeelle oo dhagax-dhigtay dhismaha waddooyinka Beledweyne

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle  Maxamuud Xasan Bariise, oo uu wehliyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In