Tuesday, January 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga doorashooyinka oo Nairobi kulan ku qabtay-Sawirro

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Guddiga doorashooyinka oo Nairobi kulan ku qabtay-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Kulanka oo ahaa is xog wareysi iyo su’aalo weydiin ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, siyaasiyiin, waxgarad, haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Related posts

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026

Danjire ku xigeenka safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, ahna qunsulka koowaad ee safaaradda mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan oo kulanka furay ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin kulanka, isla markaana ka safaarada ahaan ay soo dhoweyneynayaan.

“Ka safaarad ahaan waa soo dhoweyneynaa kulankaan, runtii shaqo wanaagsan ayay hayaan guddiga hirgellinta doorashooyinka dadban, halkaan Nairobi waa meelaha ugu badan oo ay dadka Soomaaliyeed ku nool yihiin, loona baahanahay in jaaliyaddu ogaadaan halka ay wax marinayaan guddiga” ayuu yiri mudane Maxamed Amiin.

Guddoomiyaha guddiga federaalka hirgellinta doorashooyinka dadban, Abuukaate Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhageey) ayaa ka sheekeeyay qeybaha isla wadi doona doorashooyinka dalka, isagoo hoosta ka xariiqay in shaqada ugu badan ay qaban doonaan guddiga hirgellinta doorashooyinka dadban ee dalka, guddiga xalinta khilaafaadka, goob joogayaal caalami ah, kuwo maxali ah iyo bahda warbaahinta.

Wuxuu intaa raaciyay in ay jiri doonto geedi socod ka billaabanaya xullista ergooyinka ilaa laga gaaro doorashada madaxda qaranka ee dalka.

“Doorashada dalka waxaa loo marayaa nidaam caalami ah, waxaa doorka ugu muhiimsan qaadan doona guddiga hirgellinta doorashooyinka dadban, guddiga xalinta khilaafaadka, goob joogayaal caalami ah, kuwo maxali ah iyo bahda saxaafadda, sidoo kale musharrax ma aha qof walba oo hadda ku dhowaaqay musharaxnimadiisa ilaa ay buuxiyaan shuruudaha loo diyaariyay musharraxiinta, waana in ay soo maraan guddiga hirgellinta doorashooyinka dadban” ayuu yiri guddoomiye Cumar Dhageey.

Ugu dambeyn jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya ayaa su’aalo la xiriira habka doorashada ee dalka weydiiyay guddiga doorashooyinka dadban iyagoo si faahfaahsan uga jawaabay.

IMG_7975 IMG_7965 IMG_7953 IMG_7942 IMG_7943 IMG_7283

 

Previous Post

NISA oo ka warbixisay amniga Muqdisho

Next Post

Madaxweynaha oo gaaray Jowhar

Next Post
Madaxweynaha Dalka Iyo Wafdi uu hoggaanimayo

Madaxweynaha oo gaaray Jowhar

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caddaaladda oo war ka soo saartay hannaanka dib u eegista Dastuurka

January 27, 2026
0

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ka jawaabeysaa hadallo dhawaan ay jeediyeen qaar ka mid...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In