Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Doorashooyinka(GFHDD): “ma aqoonsan doono natiijada kuraasta hannaanka lagu doortay aysan waafaqsaneyn xeerka doorashooyinka”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Guddiga Doorashooyinka(GFHDD): “ma aqoonsan doono natiijada kuraasta hannaanka lagu doortay aysan waafaqsaneyn xeerka doorashooyinka”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

War-saxaafadeed uu soo saaray Guddigga Hirgelinta Doorashooyinka Daban ayaa lagu sheegay inuu Guddigu aqoonsan doonin natiijada Kuraasta hannaanka lagu doortay aysan waafaqsaneyn Xeerka doorashooyinka.

Guddigu waxa uu u arkay doorashadii shalay ka dhacday Magaalada Jowhar ay tahay mid si ayaan darro ah u qabsoontay oo aan waafaqsaneyn xeerka doorashooyinka.

Related posts

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026

War-saxaafadeedka waxaa kaloo la sheegay in Guddiga oo tixraacaya warqaddii uu Guddiga hore u soo saaray 7-dii Disember ee lagu shaaciyay go’aanka laga gaaray Kursiga Beesha Jiidle, waxaana lagu cadeeyay war-saxaafadeedka in Guddiga Dawlad-goboleedka Doorashooyinka Dadban ee Hirshabeelle uusan sharciyad u laheyn in uu doorasho u qabto Musharax laga reebay tartanka.

Guddiga waxa uu mar labaad ku celiyay in dhammaan Musharaxiintii horey looga reebay tartanka aysan sinnaba uga qeybqaadan Karin hannaanka doorashooyinka dadban ee sanadkan 2016-ka, isagoo guddigu sheegay in uusan aqoonsan doonin natiijada kuraasta hannaanka lagu doortay aysan waafaqsanayn xeerka doorashooyinka.

War-saxaafadeedka waxaa kaloo lagu xusay in Webarka Beesha laga sugayo oo Masuulka ka ah kursigaasi in uu u soo xulo ergo doorasho cusub, ugu dambeyntii waxa lagu sheegay in Guddigu uu ku adkeynayo dhammaan qeybaha ku shaqada leh hannaanka doorashooyinka in ay ilaaliyaan daah-furnaanta iyo ku kalsoonaanta doorashooyinka 2016-ka.

Previous Post

Doorashada Aqalka Hoose oo dib uga bilaabatay Garowe

Next Post

Madaxweynaha dalka oo shacabka ugu baaqay in dagaalka Al-Shabaab ay u midoobbaan

Next Post
Madaxweynaha dalka oo shacabka ugu baaqay in dagaalka Al-Shabaab ay u midoobbaan

Madaxweynaha dalka oo shacabka ugu baaqay in dagaalka Al-Shabaab ay u midoobbaan

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In