Tuesday, December 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Dowladnimada Danabeysan oo kulan muhiim ah yeeshay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 weeks ago
in Wararka
0
Guddiga Dowladnimada Danabeysan oo kulan muhiim ah yeeshay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waxaa maanta ka qabsoomay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Dowladnimada Danabeysan, guddigan oo uu Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre magacaabay 08/10/2025, qeybna ka ah qorshaha lagu mideynayo nidaamyada maamulka dowladeed iyo horumarinta dowladnimada casriga ah.

Shirka oo uu guddoomnaiyay Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyadda, Mudane Maxamed Soomaali, ahna Guddoomiyaha Guddiga Dowladnimada Danabeysan ee XFS, ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhammaan Wasaaradaha xubnaha ka ah guddiga, oo kala ah:

Related posts

Raiisul Wasaare Xamsa oo qaabilay safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Raiisul Wasaare Xamsa oo qaabilay safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

December 8, 2025
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS  Saalax: “Bulshada Rayidka ah waa lafdhabarta Dowlad-dhiska Dalka.”

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Saalax: “Bulshada Rayidka ah waa lafdhabarta Dowlad-dhiska Dalka.”

December 8, 2025

• Wasaaradda Qorsheynta & Maalgashiga

• Wasaaradda Maaliyadda

• Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare

• Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha

• Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada

• Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

• Wasaaradda Amniga Gudaha

• Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-Heshiisiinta

• Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha JFS

• Xafiiska Madaxweynaha JFS

Kulanka ayaa looga hadlay mideynta hawlaha dowladnimada danabeysan, dardar-gelinta habraacyada maamulka casriga ah, iyo kordhinta wada-shaqeynta iyo isku-duwidda Wasaaradaha ay khusayso nidaamka dowladnimada.

Kulanka oo waqti badan qaatay, ugu dambeyn xubnaha guddiga waxay isku raaceen in:

1. La xoojiyo dadaallada mideynta nidaamyada dowladeed;

2. La hirgeliyo hannaan mideysan oo lagu maamulo xogaha iyo adeegyada dowladda;

3. La kordhiyo daahfurnaanta iyo isla-xisaabtanka hay’adaha dowladda.

Kulankan ayaa ah bilow cusub oo lagu dardargelinayo dhismaha dowladnimo casri ah, waxaana uu muujinayaa sida ay Dowladda Federaalka uga go’an tahay dhismaha nidaam dowladeed oo mideysan, hufan, isla markaana adeeggiisu si fudud u gaaro bulshada.

 

 

Previous Post

Xildhibaanada labada Aqal ee BFS oo Akhrinta labaad marsiiyay xisaab xirka sanad miisaaniyadeedkii 2024

Next Post

Guddoomiyaha SoDMA oo shir heer Qaran ku soo xiray Muqdisho

Next Post
Guddoomiyaha SoDMA oo shir heer Qaran ku soo xiray Muqdisho

Guddoomiyaha SoDMA oo shir heer Qaran ku soo xiray Muqdisho

Raiisul Wasaare Xamsa oo qaabilay safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Raiisul Wasaare Xamsa oo qaabilay safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

December 8, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS  Saalax: “Bulshada Rayidka ah waa lafdhabarta Dowlad-dhiska Dalka.”

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Saalax: “Bulshada Rayidka ah waa lafdhabarta Dowlad-dhiska Dalka.”

December 8, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta daahfuray Shirweynaha Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, oo looga hadlayo...

Wasiiro dhiirigelin ugu tegay bulshada Degmada Kaaraan

Wasiiro dhiirigelin ugu tegay bulshada Degmada Kaaraan

December 8, 2025
0

Mas'uuliyiin heer Wasiirro ah oo uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta XFS ayaa kormeer ku togay xarunta degmada Kaaraan oo ay...

𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐠𝐭𝐚𝐲 𝐇𝐚𝐥 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐃𝐨𝐥𝐥𝐚𝐫 𝐨𝐨 𝐚𝐲 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐮𝐠𝐮 𝐝𝐞𝐞𝐪𝐝𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐠𝐭𝐚𝐲 𝐇𝐚𝐥 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐃𝐨𝐥𝐥𝐚𝐫 𝐨𝐨 𝐚𝐲 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐮𝐠𝐮 𝐝𝐞𝐞𝐪𝐝𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

December 8, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay deeq lacageed oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In