Friday, July 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Dowladnimada Danabeysan oo kulan muhiim ah yeeshay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 months ago
in Wararka
0
Guddiga Dowladnimada Danabeysan oo kulan muhiim ah yeeshay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waxaa maanta ka qabsoomay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Dowladnimada Danabeysan, guddigan oo uu Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre magacaabay 08/10/2025, qeybna ka ah qorshaha lagu mideynayo nidaamyada maamulka dowladeed iyo horumarinta dowladnimada casriga ah.

Shirka oo uu guddoomnaiyay Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyadda, Mudane Maxamed Soomaali, ahna Guddoomiyaha Guddiga Dowladnimada Danabeysan ee XFS, ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhammaan Wasaaradaha xubnaha ka ah guddiga, oo kala ah:

Related posts

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

July 23, 2026
Wafdi uu hogaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray Degmada Baxdo

Wafdi uu hogaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray Degmada Baxdo

July 23, 2026

• Wasaaradda Qorsheynta & Maalgashiga

• Wasaaradda Maaliyadda

• Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare

• Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha

• Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada

• Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

• Wasaaradda Amniga Gudaha

• Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-Heshiisiinta

• Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha JFS

• Xafiiska Madaxweynaha JFS

Kulanka ayaa looga hadlay mideynta hawlaha dowladnimada danabeysan, dardar-gelinta habraacyada maamulka casriga ah, iyo kordhinta wada-shaqeynta iyo isku-duwidda Wasaaradaha ay khusayso nidaamka dowladnimada.

Kulanka oo waqti badan qaatay, ugu dambeyn xubnaha guddiga waxay isku raaceen in:

1. La xoojiyo dadaallada mideynta nidaamyada dowladeed;

2. La hirgeliyo hannaan mideysan oo lagu maamulo xogaha iyo adeegyada dowladda;

3. La kordhiyo daahfurnaanta iyo isla-xisaabtanka hay’adaha dowladda.

Kulankan ayaa ah bilow cusub oo lagu dardargelinayo dhismaha dowladnimo casri ah, waxaana uu muujinayaa sida ay Dowladda Federaalka uga go’an tahay dhismaha nidaam dowladeed oo mideysan, hufan, isla markaana adeeggiisu si fudud u gaaro bulshada.

 

 

Previous Post

Xildhibaanada labada Aqal ee BFS oo Akhrinta labaad marsiiyay xisaab xirka sanad miisaaniyadeedkii 2024

Next Post

Guddoomiyaha SoDMA oo shir heer Qaran ku soo xiray Muqdisho

Next Post
Guddoomiyaha SoDMA oo shir heer Qaran ku soo xiray Muqdisho

Guddoomiyaha SoDMA oo shir heer Qaran ku soo xiray Muqdisho

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

July 23, 2026
0

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa maanta kulan la yeelatay bahda caafimaadka dalka oo isugu jira Hay’addaha caafimaadka dowladda...

Wafdi uu hogaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray Degmada Baxdo

Wafdi uu hogaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray Degmada Baxdo

July 23, 2026
0

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa maanta gaaray Degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud....

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka

July 23, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo...

Wasiirka Amniga XFS oo daah-furay Barnaamijka Iskaashiga Dhismaha iyo Xoojinta Amniga Xuduudaha

Wasiirka Amniga XFS oo daah-furay Barnaamijka Iskaashiga Dhismaha iyo Xoojinta Amniga Xuduudaha

July 23, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In