Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Farsamada Shirka Midnimo oo maanta u Ambabaxay magaalada Garbahaarey “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Guddiga Farsamada Shirka Midnimo oo maanta u Ambabaxay magaalada Garbahaarey “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Gudiga qaban-qaabada shirka Midnimo 2 oo maalmihii u danbeeyay waday kulamo gooni gooni ah oo ay la yeelanayeen qeybaha kala duwan ee bulshada kasoo jeeda Jubbooyinka ee ku sugan gobollada Jubbooyinka iyo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, ayaa maanta soo gabagabeeyay howshoodii, waxaana ay u ambabaxeen magaalada Garbahaarey halkaas oo horaanta todobaadkan uu ka furmayo shirku.

Gudoomiyaha guddiga qaban qaabada Shirka Sheekh C/kariin Shekh Ibrahim (Indho-cadde) ayaa sheegay in ay maanta kusoo gabagabeeyeen howshii ay ka hayeen Muqdisho, isla markaana ay u ambabaxeen magaalada Garbaaharey halkaas oo todobaadka soo socda uu ka furmayo shirku.

Related posts

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026

“Maanta waxaan u dhoofnay Garbahaarey, kulamo badan ayaan la yeelannay odoyaasha beelaha dega Jubooyinka, si guul ah ayay inoogu dhamaatay, waxaana diyaarinnay ergadii ka qeybgeli lahayd shirweeynaha dib u heshiisiinta, waxana aan maanta ku wajahanay Garbahaarey oo shirku ka dhacayo” ayuu yiri Sheekh C/kariin.

Masuulkan ayaa sheegay in ergada lagu soo xulay hab degmo-degmo ah, isagoo intaa ku daray in aysan jirin wax cabasho ah oo kasoo laabatay habka ay u qeybiyeen ergada ka qeybgaleeysa shirka, isla markaana ay soo wada xaroon doonaan ergada.

Shirka dib u heshiisiinta ayaa la filayaa in uu si rasmi ah uga furmo magaalada Garbahaarey bishan, waxaana la filayaa in shirweeynahaasi lagu soo afjaro qilaafkii siyaasadeed ee ka jiray Jubooyinka sixitaan guudna lagu sameeyo qaladaadka muuqda, iyadoo la rajeeynayo in beelaha Jubbooyinka ee wax kala tabanaya ay iskugu iman doonaan shirka.
20150124_022003

20150124_022021

20150124_022015

20150124_022012

20150124_022003

Previous Post

Goobo ganacsi oo ku yaalla dalka Koonfur Afrika oo boob loo geystay “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu wado Riyadh in uu kula kulmo Boqorka Cusub ee Sacuudiga “DAAWO”

Next Post
Daawo Sawirrada madaxweynaha Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Riyadh

Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu wado Riyadh in uu kula kulmo Boqorka Cusub ee Sacuudiga "DAAWO"

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
0

Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In