Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Gaadiidka ee Golaha Shacabka oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Guddiga Gaadiidka ee Golaha Shacabka oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga Gaadiidka, Garoommada, Dekedaha, Hawlaha Guud iyo Tamarta ee Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyagoo gudanaya waajibaadka dastuuriga ah ee korjoogteynta iyo la-xisaabtanka, ayaa waxay kormeer iyo korjoogteyn ku soo sameeyeen Gegida Caalamiga ah ee diyaaradaha Aadan Cadde.

Kormeerka oo uu horkacayay Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan  Cabdullaahi Cabdi Maxamed (Geelqaad), sidoo kale Guddoomiye kuxigeenka iyo Xoghayaha Guddiga ayaa ku bilaabmay jawi degen, waxaana si habsami leh u soo dhaweeyey Wasiir Ku-xigeenka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Maareeyaha Garoonka Muqdisho iyo Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Guddiga ayaa soo kormeeray xafiisyada shaqada ee garoonka Aadan Cadde ka socoto sida xafiiska Maareeyaha, Shaqaalaha ka hawl-gala garoonka, sidoo kalena Guddigu wuxuu soo arkay shaqada dayactirka iyo balaarinta isugu jirta ee laga wado gudaha gegida diyaaraduhu soo caga-dhigtaan ama Airport Run-way. Intii kormeerku socday waxay guddigu su’aalo waydiiyeen  mas’uuliyiinta ka hawlgala garoonka.

Ujeeddada, kormeerkan ayaa salka ku haysa sidii guddigu wax badan uga ogaan lahaa shaqada ka socota garoonka iyo adeegga loo qabto shacabka maadaama garoonka Aaden Cadde uu yahay muraayadda dalkeenna laga dheehdo, taasina ay waajibinayso in mas’uuliyad dheeraad ah la iska saaro in si hufan oo daahfuran loogu adeego shacabka iyo ajaanibta ka duula garoonka.

Sidoo kale waxa kormeerkani xoogga lagu saaray oo aad looga hadlay sidii wax looga qaban lahaa cabashada ka jirta dhinaca tiketka iyo in guddigu soo arkaan shirkadda dhismaha iyo dayactirka ka wadda gudaha garoonka iyo sidoo kale shirkadda kale ee qiimeynta ku samaynaysa tayada dhabaha diyaaradda loo dhisayo.

Ugu dambeyntii guddigu waxa uu u mahadnaqay mas’uuliyiintii iyo hawl-wadeennadii u fududeeyey kormeerkooda, sidoo kale waxa ay guddigu ballan qaadeen inay sii xoojinayaan wada shaqeynta guddiga iyo hay’adaha dawladda ee ay korjoogteynta ku leeyihiin, waxaana ay soo saari doonaan warbixin faahfaahsan (Report) oo toosin iyo talo-bixin ba isugu jira oo ku saabsan wixii ay soo arkeen.

 








Previous Post

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka XFS oo qaabilay Madaxa xafiiska Hay’adda WHO ee Soomaaliy

Next Post

Minister of Information Da’ud Aweys Jama inaugurates child rights reporting workshop organised by SIMHA

Next Post
Minister of Information Da’ud Aweys Jama inaugurates child rights reporting workshop organised by SIMHA

Minister of Information Da'ud Aweys Jama inaugurates child rights reporting workshop organised by SIMHA

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In