Sunday, November 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Gaadiidka ee Golaha Shacabka oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Guddiga Gaadiidka ee Golaha Shacabka oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga Gaadiidka, Garoommada, Dekedaha, Hawlaha Guud iyo Tamarta ee Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyagoo gudanaya waajibaadka dastuuriga ah ee korjoogteynta iyo la-xisaabtanka, ayaa waxay kormeer iyo korjoogteyn ku soo sameeyeen Gegida Caalamiga ah ee diyaaradaha Aadan Cadde.

Kormeerka oo uu horkacayay Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan  Cabdullaahi Cabdi Maxamed (Geelqaad), sidoo kale Guddoomiye kuxigeenka iyo Xoghayaha Guddiga ayaa ku bilaabmay jawi degen, waxaana si habsami leh u soo dhaweeyey Wasiir Ku-xigeenka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Maareeyaha Garoonka Muqdisho iyo Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Guddiga ayaa soo kormeeray xafiisyada shaqada ee garoonka Aadan Cadde ka socoto sida xafiiska Maareeyaha, Shaqaalaha ka hawl-gala garoonka, sidoo kalena Guddigu wuxuu soo arkay shaqada dayactirka iyo balaarinta isugu jirta ee laga wado gudaha gegida diyaaraduhu soo caga-dhigtaan ama Airport Run-way. Intii kormeerku socday waxay guddigu su’aalo waydiiyeen  mas’uuliyiinta ka hawlgala garoonka.

Ujeeddada, kormeerkan ayaa salka ku haysa sidii guddigu wax badan uga ogaan lahaa shaqada ka socota garoonka iyo adeegga loo qabto shacabka maadaama garoonka Aaden Cadde uu yahay muraayadda dalkeenna laga dheehdo, taasina ay waajibinayso in mas’uuliyad dheeraad ah la iska saaro in si hufan oo daahfuran loogu adeego shacabka iyo ajaanibta ka duula garoonka.

Sidoo kale waxa kormeerkani xoogga lagu saaray oo aad looga hadlay sidii wax looga qaban lahaa cabashada ka jirta dhinaca tiketka iyo in guddigu soo arkaan shirkadda dhismaha iyo dayactirka ka wadda gudaha garoonka iyo sidoo kale shirkadda kale ee qiimeynta ku samaynaysa tayada dhabaha diyaaradda loo dhisayo.

Ugu dambeyntii guddigu waxa uu u mahadnaqay mas’uuliyiintii iyo hawl-wadeennadii u fududeeyey kormeerkooda, sidoo kale waxa ay guddigu ballan qaadeen inay sii xoojinayaan wada shaqeynta guddiga iyo hay’adaha dawladda ee ay korjoogteynta ku leeyihiin, waxaana ay soo saari doonaan warbixin faahfaahsan (Report) oo toosin iyo talo-bixin ba isugu jira oo ku saabsan wixii ay soo arkeen.

 








Previous Post

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka XFS oo qaabilay Madaxa xafiiska Hay’adda WHO ee Soomaaliy

Next Post

Minister of Information Da’ud Aweys Jama inaugurates child rights reporting workshop organised by SIMHA

Next Post
Minister of Information Da’ud Aweys Jama inaugurates child rights reporting workshop organised by SIMHA

Minister of Information Da'ud Aweys Jama inaugurates child rights reporting workshop organised by SIMHA

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In