Wednesday, October 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Gaadiidka golaha shacabka oo la kulmay Wasiirada Gaadiidka iyo Dekadaha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Guddiga Gaadiidka golaha shacabka oo la kulmay Wasiirada Gaadiidka iyo Dekadaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga Gaadiidka, Dekedaha,Garoommada, Hawlaha Guud iyo Tamarta ee Golaha Shacabka baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya xafiiskiisa kulan su’aalo weydiin ah kula qaatay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Fardowsa Maxamed Cigaal, Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Cabdullaahi Axmed Jaamac ilko-jiir iyo sidoo kale guddiga gaadiidleyda Dekedda Muqdisho,waxaana kulanka shir guddoominayay guddoomiyaha Guddiga Gaadiidka, Dekedaha,Garoommada, Hawlaha Guud iyo Tamarta ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdullaahi Cabdi Maxamed (Geel-qaad)

Ujeedka kulanka oo ahaa su’aalo weydiin iyo la xisaabtan ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay sidii loo xallin lahaa cabashada ka taagan gaadiidka ku xanniban Dekedda Magaaladda Muqdisho sababo la xiriira kaydkii sumadda gaadiidka (taarikada) oo dhammaaday.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Guddigu ayaa waxa uu dhagaystay cabashada ganacsatada gaadiidka, taasoo u muuqatay mid u baahan in si wada jir ah wasaaradaha arrintani ay khusayso ay uga wada hawl galaan xalna looga gaaro.

Labada Wasiir ayaa dhankooda ka jawaabay su’aalo ay weydiiyeen xubnaha guddiga waxa ayna ballan qaadeen in ganacsatada loo fududeynayo sidii gaadiidkaas xanniban loo soo deyn lahaa isla markaana xal looga gaari lahaa caqabadaha taagan.

Ugu dambeyn Guddiga Gaadiidka, Dekedaha,Garoommada, Hawlaha Guud iyo Tamarta ee Golaha Shacabka iyo wasaaradaha Gaadiidka iyo Duulista iyo sidoo kale Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ayaa isku afgartay in la hirgeliyo qorshe lagaga hortagayo caqabadahan oo kale mustaqbalka,waxaana guddoomiyaha guddiga oo kulanka soo xiray uu uga mahadceliyay wasaaradaha Gaadiidka iyo Duulista iyo sidoo kale Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ka jawaabistooda u yeeritaanka guddiga.







 

Previous Post

Mas’uuliyiin Ka tirsan Wasaarada Beeraha Galmudug oo kormeeray wax soo saarka Beeraha

Next Post

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka oo xarigga ka jaray bar-xuduudka Feer-Feer

Next Post
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka oo xarigga ka jaray bar-xuduudka Feer-Feer

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka oo xarigga ka jaray bar-xuduudka Feer-Feer

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In