Wednesday, March 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga gurmadka abaaraha oo sheegay in hey’ado dhowr ah ka jawaabeen baaqooda

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
5 years ago
in Wararka
0
Guddiga gurmadka abaaraha oo sheegay in hey’ado dhowr ah ka jawaabeen baaqooda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga gurmadka abaaraha ee xukuumadda Soomaaliya u xil saartay ka jawaabista xaaladaha abaaraha ayaa sheegay in ay heleen jawaabo wax ku ool ah oo ku aadan wax u qabashada dadka abaaraha.

Shir jaraa’id oo maanta magaalada Muqdisho ku qabteen guddoomiyaha guddiga ahna wasiirka maaliyadda, wasiirka warfaafinta iyo wasiirka gargaarka Soomaaliya ayay ku sheegeen in hey’ado iyo ururo kale oo caalamiga ah u soo jawaab ah  qeyb qaadashada  samatabixinta dadka abaaraha heystaan.

Related posts

DAAWO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay shacabka kadib meel marinta Dastuurka Qaranka

DAAWO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay shacabka kadib meel marinta Dastuurka Qaranka

March 4, 2026
Siyaasi Axmed Saafi oo soo dhaweeyay meel marinta Dastuurka Qaranka

Siyaasi Axmed Saafi oo soo dhaweeyay meel marinta Dastuurka Qaranka

March 4, 2026

Khadiijo Maxamed Diiriye, wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ayaa sheegtay 5.9 milyan oo Soomaali ah heysato dhibaatooyin ka dhashay isbedelka cimilada, abaaraha, fatahaadaha iyo duruufo kale.

Waxay xustay in dowladdu xooga saartay sidii loo yareyn lahaa khataraha ka dhashay dhibaatooyinka is barkaday ee dadka Soomaaliyeed saameeyay.

Guddoomiyaha guddiga ahna wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa sheegay in hey’ado dhowr ah ka soo jawaabeen baaqii guddiga u direy, hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan isku dubaridda gargaarka aadanaha ee UNOCHA, Bankiga adduunka iyo ururka iskaashiga dalalka Islaamka ee OIC aya kamid ah dhinacyada falcelinta ka heleen.

Wasiir Beyle, ayaa carrabka ku adkeeyay in dadka Soomaaliyeed ay tahay in ay ayaga isku tashtaan isla markaana ka faa’ideystaan kheyraadka Alle ku maneystay ee dhulkooda yaala.

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska, mudane Cismaan Abokor Dubbe, ayaa warbaahinta ku booriyay in ay u istaagaan sidii wacyigelinta bulshada loo gaarsiin lahaa.

Previous Post

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS oo shir kaga qeyb galay magaalada Qaahira+Sawirro

Next Post

Ciidanka Suudaan oo sheegay inay qabteen hub sharci darro ah

Next Post
Ciidanka Suudaan oo sheegay inay qabteen hub sharci darro ah

Ciidanka Suudaan oo sheegay inay qabteen hub sharci darro ah

DAAWO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay shacabka kadib meel marinta Dastuurka Qaranka

DAAWO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay shacabka kadib meel marinta Dastuurka Qaranka

March 4, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyay shacabka soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyey Xildhibaanada Labada Aqal...

Siyaasi Axmed Saafi oo soo dhaweeyay meel marinta Dastuurka Qaranka

Siyaasi Axmed Saafi oo soo dhaweeyay meel marinta Dastuurka Qaranka

March 4, 2026
0

Siyaaasi Axmed Saafi oo ka mid ah siyaasiyiinta ayaa soo dhaweeyay meel mrinta Dastuurka Qaranka ee ay Mudanyaasha labada Aqal...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay afur wadareed loo sameeyay carruurta agoonta Qaranka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay afur wadareed loo sameeyay carruurta agoonta Qaranka

March 4, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay kulan affur wadareed loo sameeyay carruurta...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚  𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 oo  𝟓𝟎 𝐁𝐨𝐨𝐲𝐚𝐝𝐨𝐨𝐝 𝐨𝐨 𝐁𝐢𝐲𝐨 𝐚𝐡 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐬𝐢𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐃𝐞𝐞𝐠𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐥𝐪𝐚𝐥𝐨𝐨𝐜𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐃𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐊𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐜𝐝𝐚𝐲 𝐃𝐡𝐢𝐦𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐥𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐭𝐚 𝐁𝐢𝐲𝐨 𝐋𝐚’𝐚𝐚n

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 oo 𝟓𝟎 𝐁𝐨𝐨𝐲𝐚𝐝𝐨𝐨𝐝 𝐨𝐨 𝐁𝐢𝐲𝐨 𝐚𝐡 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐬𝐢𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐃𝐞𝐞𝐠𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐥𝐪𝐚𝐥𝐨𝐨𝐜𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐃𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐊𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐜𝐝𝐚𝐲 𝐃𝐡𝐢𝐦𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐥𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐭𝐚 𝐁𝐢𝐲𝐨 𝐋𝐚’𝐚𝐚n

March 4, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Guddiga Abaaraha Galmudug, kuna guda jira maalintii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In