Sunday, September 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka oo ka dooday sharciga Shaqaalaha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka oo ka dooday sharciga Shaqaalaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maanta waxaa kulan ku yeeshay Xarunta Golaha iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Ururka Shaqaalaha Soomaaliyeed.

Kulan kaasoo Ajendahiisu  ahaa Marxaladda iyo Xaaladaha Guud ee ku sugan yihiin Shaqaalaha Soomaaliyeed iyo baahida loo qabo in la meel-mariyo Shuruucda Caalamiga ah ee Hay’adda Shaqaalaha Aduunka oo marka lasoo gaabiyo loo yaqaano ILO.

Related posts

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

September 12, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

September 12, 2026

Xoghayaha Guud ee Ururka Shaqaalaha Soomaaliyeed  Mudane Cumar Faaruuq ayaa    warbixin Guud ka siiyay Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 11aad. xaalada Guud ay ku sugan yihiin Shaqaalo weynaha Soomaaliyeed.

Hanaanka ay ku shaqeeyaan Shaqaalaha Soomaaliyeed iyo Qaabka  loo Horumarin karo

si kor loogu qaado Aqoontta Qibradda iyo waayo-aragnimada  shaqada,  taasoo ka saacidaysa fulinta hufnaanta iyo tayaynta Shaqada.

Waxuuna sidoo kale sheegay inay jiraan caqabado badan oo haysta Shaqaalaha Soomaaliyeed iyo sdii xal waara loogu heli lahaa.

Cumar Faaruuq ayaa ka codsaday Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka inay meel-mariyaan shuruucda Hay’adda Caalamiga ah ee  ee marka lasoo Gaabiyo loo yaqaano ILO.

Waxayna Kala yihiin.

B) Barnaamijka Shaqo Hufan ee Hay’adda Shaqaalaha Adduunka

T) Heshiiska Caalamiga ah ee Hay’adda Shaqaalaha Adduunka  LR 138 ee la Dagaalanka ku shaqaysiga Caruurta

J) Kala guurka shaqada ee Caddaaladda ku dhisan  Sharciga Hay’adda Caalamiga ah ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaano ILO.

Dhanka kale Xildhibaan Gudoomiye Nadra Cabdi ayaa uga mahadcelisay  Xoghayaha Guud ee Ururka Shaqaalaha Soomaaliyeed.

Sida wanaagsan oo uu uga warbixiyeen xaaladaha Guud ee ay sugan yihiin Shaqaalaha Soomaaliyeed, ayadoo sheegtay inay wax badan ka qaban doonaan Arrimaha Shaqaalaha iyo xaquuq-dooda Aas-aasiga ah sidoo kalena ay Dardar gelin doonaan  meel-marinta Shuruucdan Caalamiga ah.

Waxay sheegtay inay si wanaagsan u wada shaqeyn doonaan xoojina doonaan ka warqabka la socodka Arimaha Shaqaalaha Soomaaliyeed ka guddi ahaana Mas’uuliyiinta Gaar ah iska saari doonaan guud ahaan  Arimaha  Shaqaalaha iyo sharciyadooda.





Previous Post

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay wafdi ka socday dowladda Turkiga “SAWIRRO”

Next Post

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo magacaabay guddi ka soo talabixiya heshiiska Golaha Wadatashiga Qaranka

Next Post
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo magacaabay guddi ka soo talabixiya heshiiska Golaha Wadatashiga Qaranka

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo magacaabay guddi ka soo talabixiya heshiiska Golaha Wadatashiga Qaranka

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

September 12, 2026
0

Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike, ayaa Lagu Eedeeyay in uu si kas ah u dilay Marxuum Cabdicasiis Sheekh...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

September 12, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed XDS General Sahal Cabdullaahi Cumar oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS ayaa...

Wasaaradda Amniga Galmudug oo daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta iyo wada-shaqaynta guddiyada

Wasaaradda Amniga Galmudug oo daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta iyo wada-shaqaynta guddiyada

September 12, 2026
0

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ka daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta, xirfadaha iyo wada-shaqaynta guddiyada iskaashiga Booliiska iyo...

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga lada dal

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga lada dal

September 12, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In