Saturday, February 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka oo ka qeybgalay shir muhiim ah “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka oo ka qeybgalay shir muhiim ah “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Gudoomiyaha Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi oo ay wehlinayeen Xoghayaha iyo Xubnaha Guddiga ayaa maanta ka qeyb-galay, shir soconayay Muddo labo Maalin ah  kaasoo ay soo Qaban-qaabisay Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS iyo Hay’adda Istaatiistikada.

Shirka oo ajendahiisu ahaa doorka Baarlamaanka ay ka qaadaan karaan, fulinta Heshiiskan Caalamiga ah ee loo yaqaano ICPD 1994  Cairo, kaasoo lagu saxiixay shirkii Caalamiga ahaa ee ka dhacay Wadanka Masar, gaar ahaan Magaalada Caasimadda ah ee Qaahira, shirkaasoo lagu saxiixay hirgelinta Horumarinta Dadweynaha.

Related posts

Tartamayaasha Daarusalaam oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Daarusalaam oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 21, 2026
Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

February 20, 2026

Madasha ayaa lagu soo bandhigay. Warbixintii ugu horeysay oo heer Qaran ah. taasoo uu Dalkeena ka soo saaray, 2018-2022. waxaa sidoo kale, Dib-u-eegis lagu sameeyay. waxyaabaha ka hirgelay, shirkaasi caalamiga ahaa. kaasoo hada laga joogo, muddo ku siman.Soddon Sano.

Dhanka kale Xildhibaanadii iyo Mas’uuliyiintii ka socday Wasaaradda oo uu hor-kacayay Wasiirka Wasaaradda Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene oo  dood dheer ka yeeshay, sidii looga qeyb-qaadan lahaa, loona fulin lahaa Barnaamijkan la-xariira Horumarinta Dadweynaha gaar ahaan Bulshadda Soomaaliyeed.

Ugu Dambeyn, Gudoomiye Xildhibaan Nadra ayaa kaga mahadcelisay Madaxda Wasaaradda Qorshaynta iyo Hay’adda Istaatiistikada Qaranka, Dadaalkii iyo juhdigii balàarnaa ee ay geliyeen inay soo saaraan Warbixintan Quruxda badan.

“Ka Baarlamaan ahaana wax badan ayaan kala shaqeyn doonaa Wasaaradda, ee dhanka dardar gelinta, Wadashaqeynta iyo fulinta heshiiskaan Caalamiga ah ee ku saabsan Horumarinta Dadweynaha, ayna sii wadi doonaan xoojinta, Dadaalada Horumarineed ee la xariira Horumarinta Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed”. Ayay tir Xildhibaan Nadra.

 





Previous Post

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta XFS oo kulan la qaatay Agaasimeyaal Guud

Next Post

Ergeyga Madaxweynaha u qaabilsan arrimaha Somaliland oo la kulmay Mr. Shane L.Dixon

Next Post
Ergeyga Madaxweynaha u qaabilsan arrimaha Somaliland oo la kulmay Mr. Shane L.Dixon

Ergeyga Madaxweynaha u qaabilsan arrimaha Somaliland oo la kulmay Mr. Shane L.Dixon

Tartamayaasha Daarusalaam oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Daarusalaam oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 21, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

February 20, 2026
0

Hay’adda Qatar Charity, oo kaashanaysa Safaaradda Dowladda Qatar ee Soomaaliya, ayaa si rasmi ah u daahfurtay ololaha bisha barakeysan ee...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th February, 2026

February 20, 2026
0

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th February, 2026 1- President Hassan Sheikh Mohamud chaired a meeting between...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 20-ka February, 2026

February 20, 2026
0

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 20-ka February, 2026 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay kulan dhexmarey...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In