Thursday, September 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka oo adkeeyay in Madaxda dowlad Goboleedyadu taageeraan mowqifka Dowladda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka oo adkeeyay in Madaxda dowlad Goboleedyadu taageeraan mowqifka Dowladda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Mudane Cabdullaahi Cumar Abshiroow ayaa maanta shir guddoomisay kulanka 11-aad ee guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka ayaa marka hore waxaa Guddoomiye Sacdiyo Yaasiin, xubnaha guddiga joogtada uga warbixisay xaalada guud ee dalka iyo guud ahaan waxyaabaha hortebinta u leh Dowladnimada dalka, waxaana kulanka lagu ajandeeyay heshiiska ku biirista Urur Gobolleedka Iskaashiga Dhaqaalaha  Bariga Afrika, Sidoo kale Kulanka guddiga joogtada ayaa lagu taageeray Musharaxa Dowladda Soomaaliya ee u taagan qabashada Ururka Midowga Afrika, Xildhibaan Fowsiya Yusuf Xaaji Aadan.

Related posts

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026

Ugu dambeyn xubnaha guddiga joogtada ayaa aad ugu dooday arrinta la xiriirta heshiis beenaadkii ay wada-galeen maamulka Soomaaliland iyo dowladda Itoobiya kaas oo ay guddigu adkeeyeen in loo midoobo, waxaa ayna guddiga joogtada adkeeyeen in madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowlada Federaalka Soomaaliya ay si buuxda ugu garab istaagaan mowqifka dowladda Federaalka, kaas oo muujinaya midnimada dhuleed ee JFS.

Previous Post

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta oo la kulmay Wakiilo ka kala socday UNICEF iyo WFP

Next Post

Abwaan Salaad iyo Fanaanad Caasho-kiin oo shahaado sharaf la guddoonsiiyey

Next Post
Abwaan Salaad iyo Fanaanad Caasho-kiin oo shahaado sharaf la guddoonsiiyey

Abwaan Salaad iyo Fanaanad Caasho-kiin oo shahaado sharaf la guddoonsiiyey

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin...

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan UNEP iyo UN-Habitat, Mudane...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka Dhaqaale ee la sameeyey.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka Dhaqaale ee la sameeyey.

September 16, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay Warbixinta Dhaqaalaha...

Agaasimaha EAC oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu Baaqay Ka qaybgalka Som Souk Expo 2026

Agaasimaha EAC oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu Baaqay Ka qaybgalka Som Souk Expo 2026

September 16, 2026
0

Agaasimaha Arrimaha Bulshada Bariga Afrika (EAC) ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Maxamed Faatir, ayaa ku dhiirrigeliyey...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In