Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddiga Madaxa banaan ee Dib u Eegida iyo Hirgelinta Dastuurka.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo manta kulan yeeshay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha golaha shacbaka JFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan sidoo kalena uu goob joog ahaa gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey,waxa uu Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka uu la qaatay Gudiga Madaxa banaan ee dib u Eegida iyo Hirgelinta Dastuurka.

Guddiga Madaxa banaan ee dib u Eegida iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa gudiga joogtada ah ee Golaha Shacabka usoo bandhigayay warbixin ku saabsan waxqabadka gudiga iyo intii la aas aasay qaabka ay u shaqeynayaan iyo kulamadii shaqo oo ay yeesheen,sidoo kale gudiga faah faahin ka bixiyay wada shaqeynta ay la leeyihiin gudiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka ee Baarlamaanka Dalka sida uu sheegay guddooomiyaha gudiga madaxa banaan ee dib u eegisa iyo hirgelinta dastuurka Dr Maxamed Daahir Afrax.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Xubnaha guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa kulanka ka dhiibtay aragtiyadooda ka dhiibtay waxyaabaha ay aadka uga hadleena waxaa ka mid ah arrimaha la xiriira cutubyada dastuurka ee guddiga ilaa hada uu kasoo shaqeeyay iyo arrimaha miisaaniyada.

Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa sheegay in ay la socon doonaan arrimaha dib u eegida iyo hir gelinta dastuurka si loo dar dar geliyo.

Guddoomiyaha Golaha Shacbaka JFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka soo xiray ayaa u mahad celiyay guddiga madaxa banaan ee dib u eegida iyo hir gelinta dastuurka warbixinta kooban oo ay guddiga siiyeen isagoo sheegay in Golaha shacabka ay sii joogteyn doonaan kulamada ay la qaadanayaan guddiyada madaxa banaan si loola socdo howlaha ay haayaan.

Previous Post

Kulan looga hadlay Wada shaqeynta Booliska iyo Bulshadda oo lagu qabtay Muqdisho “Sawirro”

Next Post

Wasiirka arrimaha gudaha XFS oo kulan la qaatay guddiga la socodka iyo dib u eegista Dastuurka “Sawirro”

Next Post
Wasiirka arrimaha gudaha XFS oo kulan la qaatay guddiga la socodka iyo dib u eegista Dastuurka “Sawirro”

Wasiirka arrimaha gudaha XFS oo kulan la qaatay guddiga la socodka iyo dib u eegista Dastuurka “Sawirro”

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In