Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga joogtada ee Golaha Aqalka sare oo baaq ka soo saaray Xaaladda ka taagan Baydhabo

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Guddiga joogtada ee Golaha Aqalka sare oo baaq ka soo saaray Xaaladda ka taagan Baydhabo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga Joogtada ee Golaha Aqalka sare oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa war ka soo saaray rabshadaha ka taagan magaalada Baydhabo iyo dirirta u dhaxeysa Qowmiyadda Soomaalida iyo Oromada ee ka taagan deegaanada ay wada degaan ama ay deriska ku wada yihiin sida TuulliGuleed, Dheekaa, Mooyaale, Shinniile, Faafan, Feeracad iyo tuulooyinka dhaca xuduudaha u dhaxeeya Deegaannada Soomaalida iyo Oromada.

Halkaan Hoose ka Akhriso Baaqa Guddiga Joogtada Aqalka sare:-

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

BAAQ

GUDDIGA JOOGTADA AH EE GOLAHA AQALKA SARE

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare wuxuu ku guddoonsaday kulankiisa 9aad Kalfadhiga 4aad ee maanta oo ay taariikhdu tahay 15 Dec. 2018.

ISAGA OO GUDANAYA waajibkiisa dastuuriga ah ee uu ku matelayo dawladaha xubnaha ka ah dawlada Federaalka ISAGA OO XOG OGAAL U AH xasilooni darada nabadgeloyo iyo mida siyaasadeed ee ka taagan magaalada Baydhabo ee dawlad goboleed Koonfur Galbeed;

▪ Waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelada iyo qoysaskii dadkii Soomaaliyeed ee ku geeriyooday ama waxyeelo ka soo gaaraty qalalaasha iyo rabshadihii ugu dambeeyey ee magaalada Baydhabo.

▪ Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare isaga oo welwel xoogan ka qaba in xaalada amni iyo mida maamul ay faraha ka baxdo ayuu waxa uu ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh xaalada ka taagan magaalada Baydhabo in ay joojiyaan colaada iyo qalalaasaha ayna si nabadgelyo iyo wadahadal ah ku soo afjaraan is maandhaafka taagan si loo soo celiyo nidaamka iyo kala dambeynta Magaalada Baydhabo.

▪ Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare waxaa ugu baaqayaa dhamaan mas’uuliyiinta iyo shacabka dalwad goboleedka Koonfur Galbeed in ay si wadajir ah u dhowraan Dastuurka iyo Sharciyada kale ee dawlad Goboleedka si ay u suurtagasho qabsoomida doorasho xor iyo xalaal ah.

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare isla kulankiisa maanta oo ay taariikhdu tahay 15 Dec. 2018 wuxuu ku guddoonsaday:

ISAGA OO SI DHOW ULA SOCDAY dilalka iyo xasuuqa ka socday in muddo ah deegaanada ay wada degaan ama ay deriska ka wada yihiin Qowmiyadda Soomaalida iyo Oromada ee ay ka mid yihiin TuulliGuleed, Dheekaa, Mooyaale, Shinniile, Faafan, Feeracad iyo tuulooyinka dhaca xuduudaha u dhaxeeya Deegaannada Soomaalida iyo Oromada.

ISAGA OO XOOJINAYA nabadgelyada iyo wadanoolaanshaha Qowmiyadda Soomaalida iyo Oromada. ▪ Waxa ugu baaqayaa mas’uuliyiinta deegaanadaas in ay si degdeg ah u soo farageliyaan dagaaladaas si loo joojiyo colaadaha soo noqnoqday ee deeganada kor ku xusan kuwaas oo sababay dilal, dhaawacyo, barakac iyo burbur hantiyeed.

▪ Waxa uu Guddiga joogtada ah ee Goluhu ugu baaqayaa shacabka qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada in ay joojiyaan colaada ka dhex taagan kuna wada noolaadaan nabadgelyo iyo deriswanaag iyaga oo dhowraya mabaadiida iyo shuruucda caalamiga ah ee Xuquuqul Aadanaha.

DHAMMAAD

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo La Kulmay Amiirka Qatar+Sawiro

Next Post

R/wasaare ku-xigeenka dalka oo Jabuuti uga qeyb galay shir looga hadlayay isbedelka gobalka geeska Afrika+Sawirro

Next Post
R/wasaare ku-xigeenka dalka oo Jabuuti uga qeyb galay shir looga hadlayay isbedelka gobalka geeska Afrika+Sawirro

R/wasaare ku-xigeenka dalka oo Jabuuti uga qeyb galay shir looga hadlayay isbedelka gobalka geeska Afrika+Sawirro

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In