Wednesday, June 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Joogtada Golaha Shacabka oo ka dooday howlaha hortebinta u leh Golaha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
August 1, 2024
in Wararka
0
Guddiga Joogtada Golaha Shacabka oo ka dooday howlaha hortebinta u leh Golaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe (Madoobe) oo ay wehliso Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa shir guddoomiyay kulanka lixaad ee Guddiga Joogtada ah oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.

Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xubnaha guddiga faahfaahin ka siiyay shaqadii uu Goluhu qabtay todobaadkii lasoo dhaafay oo ay ka mid ahayd doodii la xiriirtay hubka sharci darada ah, dagaal beeleedyada iyo dhowrista xasaanadda Xildhibaannada iyo ansixintii Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Xuquuqda Naafada Qaranka Soomaaliyeed oo ay shalay Xildhibaannada ansixiyeen.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Gogosha Wadatashiga Qaran

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Gogosha Wadatashiga Qaran

June 18, 2025
Khawaarij farabadan oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubbada Hoose

Khawaarij farabadan oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubbada Hoose

June 18, 2025

Dhinaca kale guddiga ayaa warbixin ka dhageystay guddiyada Horumarinta Adeegga Bulshada iyo Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Golaha shacabka, waxaana ay ka warbixiyeen kulamo su’aalo weydiin iyo isla xisaabtan ah oo ay la qaateen Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo sidoo kale Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada.

Sidoo kale xubnaha Guddiga Joogtada ah ayaa isla falanqeeyay ajendayaasha kulamada guud ee Golaha todobaadka soo socda kuwooda horutabinta leh, waxaana Guddoomiyaha Golaha shacabka oo kulanka soo xiray uu bogaadiyay howsha adag ee Xildhibaannada Baarlamaanka 11-aad u hayaan dadka iyo dalka Soomaaliyeed.






Previous Post

Madaxweynaha Hirshabeelle oo si diiran loogu soo dhaweeyay Degmada Ceel-Baraf

Next Post

Carruurta ay ka geeriyoodeen Shuhaddadii naftooda u huray Qaranka oo la dhiirigeliyay

Next Post
Carruurta ay ka geeriyoodeen Shuhaddadii naftooda u huray Qaranka oo la dhiirigeliyay

Carruurta ay ka geeriyoodeen Shuhaddadii naftooda u huray Qaranka oo la dhiirigeliyay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Gogosha Wadatashiga Qaran

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Gogosha Wadatashiga Qaran

June 18, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa ka qeyb galay Shirka Gogosha...

Khawaarij farabadan oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubbada Hoose

Khawaarij farabadan oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubbada Hoose

June 18, 2025
0

Ugu yaraan 25 xubnood oo ka tirsanaa kooxda khawaarijta ayaa lagu dilay, tiro kalena waa lagu dhaawacay, kadib howlgal qorsheysan...

Shirka gogosha wada-tashiga Qaran oo galay maalinta labaad

Shirka gogosha wada-tashiga Qaran oo galay maalinta labaad

June 17, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in wada tashiga uu ka mid yahay tiirarka islaamka uu ku...

Dowladda oo sheegtay in la dilay mid ka mid ah horjoogayaashii ugu khatarsanaa khawaarijta

Dowladda oo sheegtay in la dilay mid ka mid ah horjoogayaashii ugu khatarsanaa khawaarijta

June 17, 2025
0

Cabaas Maxamed Hool, oo ahaa horjoogaha ugu sarreeya ee shirqoolada iyo dhagaraha ay khawaarijtu ka fuliyaan bobolka Banaadir iyo labada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In