Guddiga Kheyraadka Dabiiciga iyo Bii’ada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta tababar uga furmay magaalada Muqdisho,
Tababarka oo lagu baranayay ilaalinta deegaanka iyo saameynta Isbadellka cimilada ay ku leedahay deegaanka.
Tababarkan oo uu daahfuray Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed Gama’diid ayaa waxa goobjog ka ahaa qaar ka mid ah Xubnaha guddiga kheyraadka Dabiiciga iyo Bii’ada iyo Howlwadeenada Guddiga.
Aqoon korarsiga intii uu socday waxa la is weydaarsaday aqoon iyo waayo aragnimo waxaana bixinayay Tababarka qabiir sare oo ku taqasusay arrimaha Deegaanka iyo isbadalka cimilada.
Dhanka kale xubnaha guddiga ayaa bogaadiyay Tababarka, isla markaasna soo dhaweyey in la kordhiyo tababarada noocan oo kala ah.