Sunday, January 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga la socodka iyo dib u eegista BFS iyo Guddiga Madaxa banaan ee Dastuurka oo kulan wadatashi ah la qaatay qeybaha kala duwan ee Bulshadda

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Guddiga la socodka iyo dib u eegista BFS iyo Guddiga Madaxa banaan ee Dastuurka oo kulan wadatashi ah la qaatay qeybaha kala duwan ee Bulshadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026

 Kulankaan ay guddiga la socodka iyo dib u eegista BFS Iyo guddiga madaxa banaan ee Dastuurka ay la qaateen qeybaha bulshada, ayaa waxa uu ahaa kulan wadatashi AH,  waxaana ka soo qaybgalay guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee BFS, Siyaasiyii, Waxgarad, Culumaa’udiin, Ururada bulshada iyo Bahda naafada.

waxaa kulanka furay guddoomiyaha Golaha Aqalka sare BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi, isagoo  sheegay in dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay in fikirkooda ku aadan Dastuurka ay ku biiriyaan guddiyadan.

Burhaan Aadan Cumar oo ka mid ah guddiga la socodka iyo dib u eegista BFS iyo Muumino Shiikh Cumar oo iyadana ka mid ah guddiga Madaxa banaan ee Dastuurka, ayaa sharaxaad ka bixiyay howlaha horyaala guddiyadan, waxayna   sheegeen  in ay diyaariyeen shaqo howleedkooda shacabka Soomaaliyeedna ay xog ka aruurinayaan.

Xoghayaha Golaha Shacabka BFS C/kariin Xaaji Buux, Maxamed Cabdi Yuusuf oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii dalka soo maray, ayaa sheegay in loo baahan yahay in Shacabka laga helo fikrado, si dastuurka  KMG ah wax looga qabto.

Kulankan, ayaa ahaa kulan maalinle ah oo  ay guddiyada la socodka iyo dib u eegista BFS Iyo guddiga madaxa banaan ee Dastuurka ay la yeeshaan qeybaha kala gedisan ee  bulshadda, iyaddoo dhowaana ay kulan noocan oo kale ah ay la qaateen Culumaa’udiinka Soomaaliyeed.

 

Previous Post

Wasiirka Boostada & Isgaarsiinta oo sheegay in la dhisayo Hay’ad nidaamisa isgaarsiinta dalka

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo magacaabaya guddi ka shaqeeya dabagalka mashaariicdii uu dhagax dhigay

Next Post
Magaalada Garawe oo ay kasocota qabanqaabada soo dhaweynta M/weynaha JFS?

Madaxweyne Farmaajo oo magacaabaya guddi ka shaqeeya dabagalka mashaariicdii uu dhagax dhigay

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee  lagu qabtay Spain

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee lagu qabtay Spain

January 25, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa ka warbixiyay Bandhigga Carwada Caalamiga ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

January 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Turkiga oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In