Gudiga Dhaqalaha Ganacsiga, Warshadaha Iyo Maalgashiga waxa uu maanta shir wadatashi iyo is xogwareysi la yeeshay Wasaaradda Qorshaynta, maalgashiga iyo hormarinta dhaqaalaha, waxaana goob joog ahaa Wasiirka Wasaaraarada,Wasiir Ku Xigeenka, Kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaarada, Agaasimaha Maalgshiga Iyo Agaasimaha Qorsheynta iyo team kale oo qubaro Wasaarada ka socoday.
Gudiga Dhaqaalaha, Ganacsiga, Warshadaha Iyo Maalgashiga oo uu Hogaaminayo Gudomiyaha Gudiga,Ku-xigeenkiisa ,Xoghaya Gudiga, iyo Xubnaha Kale ee Gudiga ayaa iyadan goob joog ka ahaa shirkan muhiimka ahaa Gudiga waxuu warbin ka dhageystay Wasiirka Wasaarada Mudane Maxamud Abdirahmana Bene Bene iyo Wasiirk ku Xigeenkisaa Agasimaha Maalgashiga iyo dhamaan teamkii Wasaarada waxeyna si qoto dheer u soo bandhigeen qorshe howleedka Wasaarada ee arimaha Maalgashiga Dalka halka ay marayaan iyo waxa u qabsoomay wasaarada mudada ay hada jirto
Kulankan ayaa lagu wada falanqeeyay wada shaqeynta Gudiga iyo Wasaaradda iyo dardargelinta sharuucaha muhiimka u ah Qarankan Soomaaliyeed.