Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka oo ku baaqay in lahelo shilin Soomaali

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka oo ku baaqay in lahelo shilin Soomaali
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Wasaaradda Maaliyadda weydiistay in ay wax ka qabato qiima dhaca ku yimid lacagta Shilin Soomaaliga ayna soo daabacdo Lacag Cusub.

Xildhibaan Samaan Maxamed Sheekh Daahir oo ah Guddoomiyaha guddiga maaliyadda ee baarlamaanka ayaa mar uu ka hadlayay munaasabadii uu xilka kula wareegayay Wasiirka cusub ee Maaliyadda waxa shaaca ka qaaday in bulshada ay dhibaato ku qabto lacagaha iska bar bar shaqeynaya ee kala ah tan shilinka Soomaaliga iyo tan kale ee dhanka ah hawada ah, Wasaaradduna looga fadhiyo inay arrimahaasi wax ka qabato soona daabacaan lacago cusub oo shilin Soomaali ah, si looga baxa dhibaatadaasi.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026

Xildhibaanka ayaa xusay in ay sii qiimo beeleyso lacagta shillin Soomaaliga ah, isla markaana ay jiraan shirkado lacagta si hawo ah ku bixiya, taasi oo uu ku tilmaamay inay qeyb ka qaadan karto qiimo dhaca ku yimid lacagta Shilin Soomaaliga ah.

“Mushkiladda jirta hadda waxa ay tahay labo lacag oo iska garab shaqeyneyso oo mid ah tii kaashka ahayd iyo mid hawada ah oo ay sameysteen shirkado gaar ah, waajibaadka ugu culus Wasaaradda iyo hay’adaha hoosyimaada ee xagga lacagta ah waxa ay tahay in la soo celiyo shilin Soomaali iyo in la sameeyo siyaasad xagga lacag ah ku saabsan” ayuu hadalkiisa ku daray Xildhibaan Samaan.

Muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa isa soo tarayay baaqyada loo jeedinayo Madaxda Wasaaradda Maaliyadda oo ah inay soo daabacaan lacago shilin Soomaali ah, maadaama hada la isticmaalo kun shilin oo kaliya, isla markaana uu sii qiimo beelayo.

 

Previous Post

Guddoomiyaha Saddexda Gole ee Ahlu Sunna Waljamaaca oo lagu soo dhaweeyay Cadaado “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In