Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka oo ku baaqay in lahelo shilin Soomaali

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka oo ku baaqay in lahelo shilin Soomaali
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Wasaaradda Maaliyadda weydiistay in ay wax ka qabato qiima dhaca ku yimid lacagta Shilin Soomaaliga ayna soo daabacdo Lacag Cusub.

Xildhibaan Samaan Maxamed Sheekh Daahir oo ah Guddoomiyaha guddiga maaliyadda ee baarlamaanka ayaa mar uu ka hadlayay munaasabadii uu xilka kula wareegayay Wasiirka cusub ee Maaliyadda waxa shaaca ka qaaday in bulshada ay dhibaato ku qabto lacagaha iska bar bar shaqeynaya ee kala ah tan shilinka Soomaaliga iyo tan kale ee dhanka ah hawada ah, Wasaaradduna looga fadhiyo inay arrimahaasi wax ka qabato soona daabacaan lacago cusub oo shilin Soomaali ah, si looga baxa dhibaatadaasi.

Related posts

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026

Xildhibaanka ayaa xusay in ay sii qiimo beeleyso lacagta shillin Soomaaliga ah, isla markaana ay jiraan shirkado lacagta si hawo ah ku bixiya, taasi oo uu ku tilmaamay inay qeyb ka qaadan karto qiimo dhaca ku yimid lacagta Shilin Soomaaliga ah.

“Mushkiladda jirta hadda waxa ay tahay labo lacag oo iska garab shaqeyneyso oo mid ah tii kaashka ahayd iyo mid hawada ah oo ay sameysteen shirkado gaar ah, waajibaadka ugu culus Wasaaradda iyo hay’adaha hoosyimaada ee xagga lacagta ah waxa ay tahay in la soo celiyo shilin Soomaali iyo in la sameeyo siyaasad xagga lacag ah ku saabsan” ayuu hadalkiisa ku daray Xildhibaan Samaan.

Muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa isa soo tarayay baaqyada loo jeedinayo Madaxda Wasaaradda Maaliyadda oo ah inay soo daabacaan lacago shilin Soomaali ah, maadaama hada la isticmaalo kun shilin oo kaliya, isla markaana uu sii qiimo beelayo.

 

Previous Post

Guddoomiyaha Saddexda Gole ee Ahlu Sunna Waljamaaca oo lagu soo dhaweeyay Cadaado “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta gaaray New Delhi,...

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay shir caalami ah oo lagu...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In