Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka oo la kulmay wefdi ka socda Midowga Yurub +Sawirro

caqiil by caqiil
7 years ago
in Wararka
0
Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka oo la kulmay wefdi ka socda Midowga Yurub +Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay kulan u dhaxeeyay guddiga maaliyadda, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee golaha shacabka iyo xubno ka socday Midowga Yurub.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026

Guddiga maaliyadda iyo xubnihii ka socday Midowga Yurub ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka wada shaqeyn ee labada dhinac, iyo is xogwareysi.

Sidoo kale waxa ay ka wada hadleen sidii labada dhinac ay isaga kaashan lahaayeen dhismaha, hagaajinta, hormarinta, maaliyadda iyo miisaaniyadda.

Guddiga maaliyadda, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee Golaha Shacabka ayaa soo bandhigay baahiyaha ay qabaan, meelaha ay taageerada ugu baahan yihiin iyo qorshaha guddiga uu ku shaqeynayo.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa Midowga Yurub kaga mahad celiyay taageerada uu la garab taagan yahay golaha shacabka.

“ Runtii Midowga Yurub waxa uu golaha shacabka iyo guddiyadiisa ka taageeraa dhinacyo badan, waxaan ku bogaadinaya iney sii laba jibaaraan dadaalka iyo waqtiga ay nagu bixinayaan”. ayuu yiri guddoomiye Mahad.

Guddoomiyaha guddiga maaliyadda, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamuud Siraaji oo kulanka ka dib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qodobo muhiim ah ay ka wada hadleen labada dhinac.

“Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 7 bisha Febraayo waxaa kulan muhiim ah la qaadanay xubno ka socday Midowga Yurub oo aan ka wada hadalnay arrimo badan, waxa ay noo balan qaadeen in ay tababaro siin doonaan xubnaha guddiga iyo hormarinta arrimaha maaliyadda”. ayuu yiri Xildhibaan Maxamuud Siraaji.

Midowga Yurub ayaa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ka taageera dhinacyo badan sida tayo dhisida guddiyada Golaha, dajinta sharciyada iyo arrimo kale oo golaha muhiim u ah.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo soo xiray Shir Sanadeedka Garsoorka Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ballan qaaday dhamaystirka Dastuurka+Sawirro

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ballan qaaday dhamaystirka Dastuurka+Sawirro

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ballan qaaday dhamaystirka Dastuurka+Sawirro

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa Hoygiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir...

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026
0

Waxaa maanta kulankoodii ugu horreeyey yeeshay labadii guddi farsamo ee kala matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed....

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

January 28, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan la qaatay...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In