Xubnaha Guddiga maamulka doorashada heer dowlad goboleedka Galmudug oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gudigga Mudane Maxamed Daahir Guuleed ayaa goordhaw gaarey Magaalada Dhuusamareeb oo ay kusoo dhaweeyeen Mas’uuliyiin ka tirsan gollayaasha dowlada iyo Agaasinka Madaxtooyada Galmudug.
Guddoomiyaha Gudigga maamulka doorashada heer dowlad goboleed ee Galmudug, oo ay wehliyaan xubnaha kale oo guddigga ka tirsan u jeedka Imaatinkoodu la xiriiraa ambaqaadida howlaha doorashooyinka ee dhacaya inta u dhexeysa bilaha July iyo October ee sanadkan.