Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka iyo Ururrada bulshada oo shir yeeshay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
DAAWO-Banaanbax looga soo horjeedo Sawir Gacmeedyo lagu aflagaadeeyay Nabi Muxamed NNKH oo Muqdisho lagu qabtay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan Wadatashiga ah ee maanta ay isugu yimaadeen guddiga Madaxa-banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo qeybaha kala duwan ee Ururada Bulshada rayidka ah oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa diiirada lagu saaray sidii labada dhinac ay wada tashi iyo wada shaqeyn buuxda u yeelan lahaayeen.

Kulanka oo muddo dhowr saacadood ah socday ayaa la isku weydaarsaday talooyin muhiim ah oo la xiriira doorashada Soomaaliya ka dheceysa sida ay noqon karto maadaama Dowladda ay sheegtay in sanadka 2016 aysan dhici karin doorasho qof iyo cod ah oo la filayay inay dalka ka qabsoonto.

Related posts

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026

Cabdiqaadir Gacal Abkow oo ka mid ahaa xubnihii ka socday Ururada Bulshada rayidka ah ayaa u sheegay Warbaahinta Qaranka in kulankii maanta uu ahaa mid loo baahanaa, wuxuuna xusay inay muhiim tahay in la helo hab doorasho oo dadka ay kuwada qanacsan yihiin.

“Kulanka wadatashiga ee maanta halkan loo fadhiyay waa kulan loo bahanaa in ururada bulshada iyo Guddiga Doorashooyinka Qaranka ay wada hadlaan, isla markaana la is faro sida loo gaari karo wada shaqeyn dhab ah, sidaa darteed dalku wuxuu u bahaan yahay doorasho iyo in la helo dowlad lasoo doortay, taasoo ah sida lagu heli karo in shaqo adag la qabto oo ay kamid tahay in dadka la baro doorashooyinka maadaama jiilka 30-ka ka yar aysan waxba ka fahansaneyn nidaamka doorashada” ayuu yiri Cabdiqaadir.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) oo markii uu soo dhamaaday shirka ay la yeesheen Ururada bulshada rayidka ah u warantay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegtay inay isku afgarteen, inay si dhow u wada shaqeeyaan  labada dhinac,  waxayna intaasi ku dartay Guddigooda in uusan ka maarmin talada Ururada Bulshada rayidka ah.

“kulanka ay isugu yimaadeen Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka iyo Ururada Bulshada rayidka ah horta waxaan uga mahadcelinaa Ururada Bulshadsa oo iyaga soo codsaday inay nala kulmaan, si ay wax uga ogaadaan Guddiga Doorashoyinka ilaa maalintii la doortay, waxa ay qabteen runtii, wuxuu ahaa mid aan si aad ah wax uga kala faa’iideysanay loona baahan yahay inay sii socdaan talada ugu weyn ee soo baxday waxa waaye, markii laga hadlay shaqada la qabanayo iyo cidda qabaneysa inaan laga maarmin Ururada Bulshada rayidka ah inay qeybtooda ka qaataan”ayay tiri Xaliimo Yareey.

Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa mudooyinkii dambe waxa ay wadatashiyo la lahaayeen qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Mas’uuliyiinta Dowladda si loo helo hab doorasho oo dadka ay ku qanci karaan, maadaama Dowladda ay shaacisay in sanadka 2016 dalka ka dhici karin doorasho qof kasta uu codkiisa dhiibanayo.

Previous Post

Madaxweynaha: “Waa inaan ku dhiirannaa u hiilinta sharciga iyo cadaaladda” SAWIRRO

Next Post

Wasaaradda howlaha guud oo ka digtay in la dhisto garoonkii LLP Jeenyo

Next Post
Jawaabta Dowladda Federaalka ee ku aaddan baarista SOMA

Wasaaradda howlaha guud oo ka digtay in la dhisto garoonkii LLP Jeenyo

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In