Kulankan Wadatashiga ah ee maanta ay isugu yimaadeen guddiga Madaxa-banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo qeybaha kala duwan ee Ururada Bulshada rayidka ah oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa diiirada lagu saaray sidii labada dhinac ay wada tashi iyo wada shaqeyn buuxda u yeelan lahaayeen.
Kulanka oo muddo dhowr saacadood ah socday ayaa la isku weydaarsaday talooyin muhiim ah oo la xiriira doorashada Soomaaliya ka dheceysa sida ay noqon karto maadaama Dowladda ay sheegtay in sanadka 2016 aysan dhici karin doorasho qof iyo cod ah oo la filayay inay dalka ka qabsoonto.
Cabdiqaadir Gacal Abkow oo ka mid ahaa xubnihii ka socday Ururada Bulshada rayidka ah ayaa u sheegay Warbaahinta Qaranka in kulankii maanta uu ahaa mid loo baahanaa, wuxuuna xusay inay muhiim tahay in la helo hab doorasho oo dadka ay kuwada qanacsan yihiin.
“Kulanka wadatashiga ee maanta halkan loo fadhiyay waa kulan loo bahanaa in ururada bulshada iyo Guddiga Doorashooyinka Qaranka ay wada hadlaan, isla markaana la is faro sida loo gaari karo wada shaqeyn dhab ah, sidaa darteed dalku wuxuu u bahaan yahay doorasho iyo in la helo dowlad lasoo doortay, taasoo ah sida lagu heli karo in shaqo adag la qabto oo ay kamid tahay in dadka la baro doorashooyinka maadaama jiilka 30-ka ka yar aysan waxba ka fahansaneyn nidaamka doorashada” ayuu yiri Cabdiqaadir.
Guddoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) oo markii uu soo dhamaaday shirka ay la yeesheen Ururada bulshada rayidka ah u warantay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegtay inay isku afgarteen, inay si dhow u wada shaqeeyaan labada dhinac, waxayna intaasi ku dartay Guddigooda in uusan ka maarmin talada Ururada Bulshada rayidka ah.
“kulanka ay isugu yimaadeen Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka iyo Ururada Bulshada rayidka ah horta waxaan uga mahadcelinaa Ururada Bulshadsa oo iyaga soo codsaday inay nala kulmaan, si ay wax uga ogaadaan Guddiga Doorashoyinka ilaa maalintii la doortay, waxa ay qabteen runtii, wuxuu ahaa mid aan si aad ah wax uga kala faa’iideysanay loona baahan yahay inay sii socdaan talada ugu weyn ee soo baxday waxa waaye, markii laga hadlay shaqada la qabanayo iyo cidda qabaneysa inaan laga maarmin Ururada Bulshada rayidka ah inay qeybtooda ka qaataan”ayay tiri Xaliimo Yareey.
Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa mudooyinkii dambe waxa ay wadatashiyo la lahaayeen qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Mas’uuliyiinta Dowladda si loo helo hab doorasho oo dadka ay ku qanci karaan, maadaama Dowladda ay shaacisay in sanadka 2016 dalka ka dhici karin doorasho qof kasta uu codkiisa dhiibanayo.