Monday, March 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka oo soo bandhigay Sharruudaha laga doonayo Musharaxiinta u tartamaya Kursi Xildhibaanimo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka oo soo bandhigay Sharruudaha laga doonayo Musharaxiinta u tartamaya Kursi Xildhibaanimo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha guddiga madaxabanaan ee doorashooyinka Qaranka Soomaaliyeed Marwo Xaliimo Ibraahim Ismaciil (Xaliimo Yareey) iyo xubno katirsan guddigaasi,  ayaa maanta kulan la qaatay madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxmad Cabdi Waare iyo Madaxweyne ku xiggeenka maamulkaasi,  Mudane Cali Guudlaawe Xuseen,  iyaggoo kawada hadlay arrimo la xiriira doorashada kursi kabanaan xildhibaanada Golaha shacabka Soomaaliya, kaasi oo doorashadiisu ay ka  dhaceyso Magaaladda jowhar.

Marwo Xaliimo Ibrahim Ismaaciil, Gudoomiyaha guddiga madaxabanaan ee doorashooyinka Qaranka Soomaaliyeed  oo Warbaahinta Qaranka la hadashay,  ayaa sheegtay  in muddo Todobo Maalmood ay ku diiwaan gelin doonaan Musharaxiinta u tartameysa Kursigaasi Xildhibaanimo ee Banaan, iyaddoo soo bandhigtay sharruudo ka kooban 11 Qodob oo laga rabo Musharaxiinta, waxaana ka mid ah:-

Related posts

Wasiirka Shaqada XFS oo qaabilay wafdi ka socday WFP

Wasiirka Shaqada XFS oo qaabilay wafdi ka socday WFP

March 9, 2026
Madaxda Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo qaabilay Wafdi ka socday WFP

Madaxda Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo qaabilay Wafdi ka socday WFP

March 9, 2026

1- Inuu yahay Muwaadin Soomaaliyeed

2- In da’diisu aysan ka yaraanin 25 sano jir.

3- inuu heysto ugu yaraan  Shahaado waxbarasho oo dugsi sare ah.

4-  in Hay’adda Dambibaarista ee  CID-da uu ka keensado Waraaq cadeeneysa in Maxkamad la saarin, Dembina uusan gelin Shantii Sano ee lasoo dhaafay.

5- Inuu kasoo jeedo Beesha Xawaadle, gaar ahaan Cali Madaxweyne.

6-  Inuu saxiixo Xeerka Anshaxa Musharaxiinta.

7- Inuu Guddiga uu usoo gudbiyo Codsiga Musharaxnimo laga Bilaabo Maanta oo ay Taariikhdu tahay 03 ilaa iyo 10- Bisha Janaayo ee Sanadkaan 2018.

11-Waa inuu Bixiyaan Lacagta Diiwaan Gelinta Musharaxiinta, Musharaxa haddii uu Rag yahay waxaa laga doonayaa Lacag dhan 5,000 oo Dollar, Haddii ay Haween tahayna waxaa laga doonayaa 2,500 oo Dollar.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare, ayaa ugu Baaqay Musharaxiinta u tartameysa Kursiga Banaan ee Xildhibaanka Federaalka ah looga baahan yahay inay si Nabad ah ay u tartamaan, waxaana uu xusay inaan la aqbali doonin Xasilooni darro in Magaaladda uu ka abuuro u tartamida Kursigaasi.

SONNA

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya iyo Danjiraha Ingiriiska ee Soomaaliya oo ka wada hadlay Xoojinta iskaashiga labada Baarlamaan

Next Post

Guulaha Soomaaliya ay ka gaartay hufnaanta Maaliyadda oo la soo bandhigay

Next Post
Guulaha Soomaaliya ay ka gaartay hufnaanta Maaliyadda oo la soo bandhigay

Guulaha Soomaaliya ay ka gaartay hufnaanta Maaliyadda oo la soo bandhigay

Wasiirka Shaqada XFS oo qaabilay wafdi ka socday WFP

Wasiirka Shaqada XFS oo qaabilay wafdi ka socday WFP

March 9, 2026
0

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Prof. Saalim Caliyoow Ibrow, ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda...

Madaxda Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo qaabilay Wafdi ka socday WFP

Madaxda Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo qaabilay Wafdi ka socday WFP

March 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Xasan Xuseen Maxamed, iyo Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda, ayaa kulan miro-dhal ah...

Wasiirka Qoyska oo xarig ka jartay garoon kubadda cagta ah oo loogu talagalay agoonta Booliiska

Wasiirka Qoyska oo xarig ka jartay garoon kubadda cagta ah oo loogu talagalay agoonta Booliiska

March 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa xarig ka jartay garoon kubadda cagta ah...

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐜𝐝𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐃𝐞𝐞𝐪 𝐋𝐚𝐜𝐚𝐠𝐞𝐞𝐝 𝐤𝐮 𝐖𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐔𝐫𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐫𝐲𝐞𝐞𝐥 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐜𝐝𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐃𝐞𝐞𝐪 𝐋𝐚𝐜𝐚𝐠𝐞𝐞𝐝 𝐤𝐮 𝐖𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐔𝐫𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐫𝐲𝐞𝐞𝐥 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

March 9, 2026
0

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed ayaa maanta qabatay munaasabad lagu wareejinayay deeq lacageed 14,400 US Dollar oo ay iska soo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In