Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga madaxa banaan ee xalinta khilaafka NUSOJ oo la kulmay suxufiyiin

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Guddiga madaxa banaan ee xalinta khilaafka NUSOJ oo la kulmay suxufiyiin
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddi dhawaan isu xilsaaray in uu soo afjaro khilaaf sababay in ururka Suxufiyiinta Qaranka uu yeesho labo hogaan, ayaa waxa ay maanta Muqdisho kula kulmeen suxufiyiinta ka howlgalla Warbaahinada kala duwan ee ku yaala Muqdisho, kaasi oo ujeedka kulanka ahaa sidii ay guddiga ku ogaan lahaayeen aragtida suxufiyiinta ee ah in la helo hal aragti oo la xiriirta xuquuqda wariyeyaasha.

Ismaaciil Sheekh Qaliifa oo ah guddoomiye ku-xigeenka Guddiga khilaaf bixinta saxaafadda ayaa tilmaamay in ujeedka guddiga loo aas aasay ay tahay xalinta khilaafka hogaanka Ururka NUSOJ.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026

Guddoomiyaha Guddiga khilaaf bixinta saxaafadda Cabdimaalik Yuusuf ayaa sheegay inay raadinayaan habkii lagu heli lahaa midnimo, isla markaana dhinacyada kala aragti duwan ay ka ogolaadeen guddiga xalinta khilaafka hareeyay hogaanka NUSOJ.

Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed SONNA Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala oo ku hadlayaya magca Wasaardda Warfaafinta ayaa sheegay in mowqifka Wasaaradda uu yahay in ururka NUSOJ uu yahay mid madax banaan, isla markaana ay leeyihiin wariyeyaasha Soomaaliyeed.

Buuq ay sameyeen qaar ka mid ah suxufiyiintii kulanka ka qeyb gashay ayaa Guddiga waxa ay ku guuleysteen in xaliyaan tabashada qaar kamid ah suxufiyiinta, isla markaana la isku afgartay in guddiga la balaariyo oo ay ku yeeshaan xubno kale, taasi oo si wada jir ah la isku afgartay.

Previous Post

Mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay magaalada Baydhabo “SAWIRRO”

Next Post

Taliyaha ciidanka booliska iyo guddoomiyaha gobolka oo ka qeyb qaatay dhismaha Saldhig boolis “SAWIRRO”

Next Post
Taliyaha ciidanka booliska iyo guddoomiyaha gobolka oo ka qeyb qaatay dhismaha Saldhig boolis “SAWIRRO”

Taliyaha ciidanka booliska iyo guddoomiyaha gobolka oo ka qeyb qaatay dhismaha Saldhig boolis "SAWIRRO"

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In