Thursday, July 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Olombikada Soomaaliyeed oo qado sharaf u sameeyay Mas,uuliyiin hore”Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
March 18, 2015
in Wararka
0
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed oo qado sharaf u sameeyay Mas,uuliyiin hore”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha guddiga Olombikada Soomaaliyeed Cabdullaahi Axmed Tarabi ayaa kulan qado sharaf ah ugu sameeyey gudaha magaalada Muqdisho mas’uulyiintii hore ee qaybaha kala gedisan ee isboortiga, macallimiin hore, garsooorayaal iyo cayaartoy hore, kuwaasoo isugu jiray kuwa ka yimid dibadda dalka iyo kuwa ku sugnaa gudaha.

Kulankan qado sharafta ahaa ayaa waxaa guddoomiyaha GOS ku wehliyay Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan GOS ayna ka mid ahaayeen, guddoomiye Ku xigeenka GOS IbraahiM Shaamow, guddoomiyaha Xirirka kubadda gacta isla markaan ah kaaliyaha xogahayaha Gos Maxamed Xasan Xuurshe (Eenow), rugcaddaa sport ahna guddoomiyaha XSF Xaaji Maxamed Axmed Colow, madaxa caafimaadka GOS Dr GIA iyo qaar ka mid ah madaxda xiriirada dalka.

Related posts

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

July 3, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

July 3, 2025

Dhinaca rugcaddaayaasha sportiga Soomaaliyeed ee oo ka qaybgalay qado sharaftan ayaa waxaa ka mid ahaa guddoomiye sharafeedka GOS ahna guddoomiyihii hore ee GOS Cabduqaadir Gacal Abkow, Garsoorihii hore ee caalamiga ahaa Maxamed Faarax Axmed (Damdamis), Cadde Xasan Cali Gaaboow, macallin iyo Xoghaye Hore Gos, Cabdi Cali Macallin’faroole Agaasimhii hore ee wasaaradda Howlaha Guud, haddana ah Guddoomiyaha isboortiga gobolka Mennisota ee cariga Maraykankan, Maxamed Axmed Caalin, Guddoomiye ku xigeenkii hore GOS, agaasime Horseed iyo Guddoomiyaha xiriirka Laliska), Axmed Cilmi Faarax (Xoghayihii hore ee XSKC), Maxamed Cali Xasan ( Killer) (cayaaryahan hore ee Naadigii Horseed), Maxamed Xaaji Cali(Garsoore hore isla markaana masuul kasoo noqday xiriirka kubadda Miiska) , Faarax Muuse Saciid oo ahaa Laacib hore kubadda kolayga , Asad Cismaan Cali oo sidoo kale ah cayaaryahan hore kooxdii Somalita ee kubadda Kolayga iyo martisharaf kale.

Guddoomiye GOS Cabdullahi Axmed Tarabi oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ujeedka ay kulankan isu yeereen dadkii hore ay tahay in ay dhagaystaan talada horumarineed oo ay ku soo biirin karaan si hore loogu socdo, wuxuuna Guddoomiye Tarabi dhanka kale tilmaamay in ay qorshaynayaan in haddii ay isku afgartaan odayaasha iyo rugcaddaaga sportiga ay ka taageeraan sidii ay rugcaddaaga iyo dadka aqoonta fog u leh qaybaha kala gedisan ee isboortiga kuna kala nool daafaha dunida ugu samayn lahaayeen dalad midaysa oo ay qayb kaga noqdaan horumarinta isbooortiga dalka, xafiiskan ayaa ka qaybqaadan doona sidii loo jogtayn lahaa kulamada noocaan oo kale ah oo bahdii hore lagu kulminayo si loogaaro hadafka horumarinta isboortiga kaasoo aan ku koobnaan oo kaliya GOS iyo xiriirada hoos yimaada, balse ay ka qayb qaataan bahdii hore ee isbortiag dalka iyo dibaddaba.

Guddoomiyaha oo ku dheeraaday soo dhawaynta iyo marxabaynta mas’uuliyiintan kaalinta muga leh ka soo qaatay sare u qaadidda isboortiga dalka ayaa carabka ku adkeeyay in Guddiga Olibmbikada Soomaaliyeed ay ka go’an tahay in ay siiyaan xushmadda iyo qadarinta ay mudan yihiin dadkii kaalinta ka soo qaatay cayaaraha dalka isla markaana ay diyaar u yihiin in ay dhagaystaan talooyinkooda kana faaiidaystaan waaya aragnimadoooda baaxadda leh ayagana looga baahan yahay in aysan u arag in albaabada GOS iyo xiriirada dalku u xiran yihiin dad gooni ah ayna ku dhiiradaan sidii ay talooyinka wanaagsan u gudbin lahaayeen.

Wada sheekaysi iyo fikir iswaydaarsi badan ka dib ayaa waxaa halkaasi ka hadlay Maxamed Axmed Caalin oo ka mid ahaan jiray madaxdii GOS, waxuuan tilmaamay in uu yahay shaqiga ugu da’da wayn masuuliyiinta goobta ku sugnayd dhiigiisuna uu isboorti yahay diyaarna uu u yahay inta ay nafta ku jirto in uu ka qayb qaato horumarka isboortiga, Waxuuna mahad celin balaaran u soo jeediyay guddoomiye Tarabi oo lahaa fikrada laysugu keenay badhii hore ee dalka iyo waliba dadkii ayagu u soo dhabar adeegay noolaynta isboortiga dalka xiliyadii uu dalku ku jiray burburka isla markaana ku soo shaqeeyey xaalaada ad adag.

Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay Guddoomiye Sharafeedka GOS Cabdulqaadir Gacal Abkow, waxuuna sheegay in isboortiga dalka aysan horumarin karin oo kaliya GOS Iyo Xiriirada, basle loo baahan in lahelo gacan dowladeed si loogaaro himilkooyinka la hiigsanaayo, wuxuuna dhinaca kale sheegay in sidoo kale bahdii hore ee cayaaraha oo ayagu isugu jira waaya arag iyo aqoonyahano isboortiga intaba ay lama huraan u tahay ka talobixinta iyo waliba in ay aragti ku yeeshaan isboortiga waxuuna ku raacay guddoomiye Tarabi in la sameeyo dalad ay ku kulmaan dadkii isbortiga dalka kasoo shaqeeyay taasoo wax badan ka tari doonta horumarka la hiigsanayo.

IMG_4570

IMG_4574

IMG_4589

IMG_4604

IMG_4610

IMG_4618

IMG_4621

IMG_4661

IMG_4685

IMG_4691

IMG_4694

IMG_4699

IMG_4702

Previous Post

Madaxweyne Xasan oo maanta Magacaabay Guddoomiye ku xigeeenka Siyaasadda Gobolka Banaadir

Next Post

Madaxweynaha oo warqadaha aqoonsiga ka Guddoomay danjiraha cusub ee Norway “Sawirro”

Next Post
Madaxweynaha oo warqadaha aqoonsiga ka Guddoomay danjiraha cusub ee Norway “Sawirro”

Madaxweynaha oo warqadaha aqoonsiga ka Guddoomay danjiraha cusub ee Norway “Sawirro”

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

July 3, 2025
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa ka qeyb-galay munaasabadda daah-furka ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee deegaanada...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

July 3, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan sagootin ah xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Koonfur Afrika u tegay furitaanka Safaaradda cusub

July 3, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa soo gaaray dalka Koonfur Afrika, halkaas oo uu u...

Danjire Cali Cabdi Awaare oo ku guuleystay Danjiraha Sanadka ee Somali Social Media Awards

Danjire Cali Cabdi Awaare oo ku guuleystay Danjiraha Sanadka ee Somali Social Media Awards

July 3, 2025
0

Danjire Cali Cabdi Awaare, Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In