Thursday, August 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga qaban qaabada xuska Todobaadka Xoriyadda oo kormeeray goobaha loo qorsheeyay maalmaha xorriyadda “SAWIRRO”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Guddiga qaban qaabada xuska Todobaadka Xoriyadda oo kormeeray goobaha loo qorsheeyay maalmaha xorriyadda “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga Golaha Wasiirada ee qabanqaabinaya Munasabadaha Maalmaha Xorriyada Qaranka ee nagu soo aadan ayaa kormeeray xarumaha ay ka dhici doonaann fantasiyada Maalmaha xorriyadda, halkaas oo ay ka soconayso diyaar garow aad u balaraan oo lagu diyaarino Maalmaha Qaranka qiimaha balaaran ugu fadhiya.

Guddigan oo uu hogaaminayay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xakuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cusmaan Abuukar Dubbe oo ah Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada ayaa kormeerkooda ka bilaabay Tiyaatarka Qaranka, halkaas oo kooxda Hobolada Qaranka ee Waabari ay ka wadaan diyaar garowga iyo isku dabaridka howlaha fanka ee ay kaga  qeyb qaadan doonoaan maalaha qiimaha leh ee fooda nagu soo haaya.

Related posts

MADAXWEYNAHA JFS OO KA QAYBGALAY QALIN-JABINTA ARDAYDA MACHADKA DARAASAADKA AMNIGA

MADAXWEYNAHA JFS OO KA QAYBGALAY QALIN-JABINTA ARDAYDA MACHADKA DARAASAADKA AMNIGA

August 12, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

August 12, 2026

Gudigaan ayaa u sii gudbay Taalada Daljirka Dahsoon ee Degmada Boondheere, halkaas oo laga wado qurxin iyo naqshadeyn, kuwaas oo loogu tala galay dabaal dagga shacabka Soomaaliyeed waxana halkaasi gudiga ku soo dhaweeyay dhallinyaro damaashaad iyo diyaar garow u joogtay Daljirka, ayagoo Wasiirada qaar ka mid ah ay wax ka qabteen shaqadii halkaasi laga waday.

Wafdiga uu hogaaminayay Wasiirka Warfaafinta ayaa sidoo kale kormeer ku tegay Taalooyinka Dhagax tuur iyo Sayidka oo ka mid ah goobaha loo asteeyay in lagu weyneeyo xuska todobaadka xorriyadda, iyagoo dar daaran u jeediyay howlwadeennada bilicda iyo qurxinta ka shaqeyneysay, maadaama uu waqtiga gabo gabo yahay oo ay foodda nagu soo hayaan Maalmaha xoriyadda ee loo dabaal dagayo.

Previous Post

Taliyaha booliiska oo maanta la kulmay saraakiil ka tirsan Interpol oo Muqdisho yimid +Sawirro

Next Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo sagootiyay Safiirka Findland u joogay Soomaaliya

Next Post
Ra’iisul Wasaare Rooble oo sagootiyay Safiirka Findland u joogay Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Rooble oo sagootiyay Safiirka Findland u joogay Soomaaliya

MADAXWEYNAHA JFS OO KA QAYBGALAY QALIN-JABINTA ARDAYDA MACHADKA DARAASAADKA AMNIGA

MADAXWEYNAHA JFS OO KA QAYBGALAY QALIN-JABINTA ARDAYDA MACHADKA DARAASAADKA AMNIGA

August 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen in ka badan 500 oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

August 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa qaabilay wafdi ka socday Dowladda Qatar, oo uu hoggaaminayay...

Mas’uuliyiin ka qeybgashay janaasada iyo aaska Maareeyihii hore ee Dekedda Muqdisho

Mas’uuliyiin ka qeybgashay janaasada iyo aaska Maareeyihii hore ee Dekedda Muqdisho

August 12, 2026
0

Wasiirro, Xildhibaanno, Maareeyaha Dekedda Muqdisho, iyo maareeyayaashii hore ee soo maray Dekedda Muqdisho ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga qeybgalay janaasada...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda Soomaaliya Oo Cambaareysay Aqoonsiga Kolombiya ee Madax-bannaanida Israa’iil ee Buuraleyda Golan

August 12, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa go’aanka ay Dowladda Kolombiya ay ku aqoonsatay sheegashada Israa’iil ee ku aaddan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In