Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka oo shahaado sharaf guddoonsiiyay qaar ka mid ah shaqaalaha rayidka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka oo shahaado sharaf guddoonsiiyay qaar ka mid ah shaqaalaha rayidka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka ayaa soo bandhigay waxqabadka sanadkii tegay ee 2017-ka, iyagoo abaal marino siiyay qaar ka mid ah shaqaalihii waxbadka la yimid.

Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda waxqabadka sanadkii tegay ee guddiga Shaqaalaha Rayidka iyo abaalmarino la guddoonsiiyay qaar ka mid ah shaqaalaha rayidka ee ka soo dhexmuuqday shaqaalihii ay wada shaqeynayeen kaddib dadaal dheeri ah oo ay muujiyeen ayaa lagu qabtay xarunta Akadeemiyada cilmiga, fanka iyo dhaqanka.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Guddoomiye ku-xigeenka xiriirka shaqaalaha ayaa sheegay in kulankan uu yahay tallaabo horey loo qaaday, waxaana uu bogaadiyay howsha ay guddiga qabteen.

Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Shaqaalaha Radyidka Mudane Xasan Maxamed Abshirow ayaa xusay in wax badan oo ay qaban lahaayeen ay ku dhici weysay daruufo adag, balse markasta ay ka go’antahay horumarinta Shaqaalaha Rayidka ee dowladdda.

Hanti dhowraha guud ee Qaranka Maxamed Maxamuud Cali ayaa madaxda ugu baaqay inay ka warbqabaan xaaladda shaqaalaha ay mas’uulka ka yihiin, si ay uga warqabaan xaaladkasta oo uu qofka shaqaalaha ah ku jiro.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Dekadaha ee Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Maxamed Cabdi Daalo ayaa sheegay in cadaaladdu ay tahay tiirka koowaad ee niyadda u dhista qofka beni’aadamka ah.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada ee Xukuumada Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in guddiga Qaranka uu wax badan qabtay oo ay ku dadaaleen wax ka qabashada arrimaha shaqaalaha, ayna mudanyihiin in lagu dhiiri geliy howlaha ay Qaranka u hayaan.

In ka badan 40 Shaqale ayaa Guddiga Qaranka Shaqalaha Rayidka ee Dowladda maanta guddoonsiyey Shahado Sharaf .

Previous Post

Saraakiisha Hay’adda Socdaalka Laanta Puntland oo beeniyay in shaqo joojin lagu sameeyay xafiiska Puntland “SAWIRRO”

Next Post

Taliyaha Ciidanka Asluubta iyo Guddoomiyeyaasha Maxkamadda C.Q.S oo kormeeray dhismaha Xabsiga cusub “SAWIRRO”

Next Post
Taliyaha Ciidanka Asluubta iyo Guddoomiyeyaasha Maxkamadda C.Q.S oo kormeeray dhismaha Xabsiga cusub “SAWIRRO”

Taliyaha Ciidanka Asluubta iyo Guddoomiyeyaasha Maxkamadda C.Q.S oo kormeeray dhismaha Xabsiga cusub "SAWIRRO"

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In