Guddiga u qaabilsan Wasaaradda Qorsheynta xaqiijinta iyo hubinta soo guuritaanka hay’adaha caalamiga ah (INGOs-ka) iyo kuwa Qaramada Midoobay (UN Agencies) ee ka howlgala gudaha dalka ayaa maanta kulamadii ugu horeeyay la qaatay, Madaxa Hay’adda WFP ee Soomaaliya Mudane Elkhidir DALOUM iyo Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Horumarinta Warshadaha ee UNIDO, Mudane Ygor Scarcia.
Kulankan ayaa yimid ka dib markii Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya ay bilowday hubinta iyo xaqiijinta hay’adaha sida dhameystiran ugu soo guuray dalka iyo kuwa weli maqan, iyadoo la fulinayo awaamiirtii ay soo saartay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee soo kala baxay Oktoobar 2018-ki iyo Janaayo 2023-ga kuna saabsanaa u soo guuridda dalka ee hay’adaha caalamiga ah (INGOs-ka) iyo kuwa Qaramada Midoobay (UN Agencies) ee ka howlgala Soomaaliya.
Kulanka ayaa ka dhacay xarunta Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.