Guddiga Heer Wasiiro ah oo uu dhawaan Raโiisul Wasaaraha Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble u magacaabay xalinta xiisadda ka dhex jirta maamulka Hirshabeelle iyo Shacabka Beledwayne ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar.
Wafdigaan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, mudane Mukhtaar Xuseen Afrax, ayna qeyb ka yihiin Wasiirada Amniga iyo Caddaalada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Xubno ka socda Xafiiska Raโiisul Wasaaraha.
Guddiga ayaa kulamo la qaadan doono Madaxda Maamulka Hirshabeelle.