Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga xallinta Khilaafaadka oo war ka soo saaray doorashada golaha shacabka ee gobollada waqooyi

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
5 years ago
in Wararka
0
Guddiga xallinta Khilaafaadka oo war ka soo saaray doorashada golaha shacabka ee gobollada waqooyi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban (GXKHDD) ee 2020/2021, asagoo fulinaya Heshiiskii 17 Septembar 2020, Habraacii 1-da October ee lagu dhisay Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban 2020/2021, Heshiiskii 27 May 2021 iyo War-murtiyeedkii Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee soo baxay 21-22 Agoosto 2021, wuxuu cadeynayaa in GXKHDD;

1- Uu mas’uul ka yahey u garnaqida iyo xallinta cabashooyinka ay u soo gudbiyaan ergooyinka iyo musharixiinta ay si toos ah u saameyso xadgudubyada ka dhasha maamulka doorashada dadban 2020-2021.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

2- Uu awood sharci ah u leeyahay inuu baaritaan ku sameeyo oo uu go’aamiyo cabashooyinka iyo diidmada laga keeno arrimaha la xiriira musharaxnimada ama cod-bixiyenimada.

3- Uu awood sharci ah u leeyahay inuu eego oo go’aamiyo muranada lagu diido go’aanada ay gaareen guddiyada labada heer ee ku aadan kala shaandheynta ergooyinka iyo murashaxiinta u tartamaya Baarlamaanka 11-aad JFS.

Hadaba, Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban (GXKHDD) ee 2020/2021 asaga oo tixraaceyna “Habraaca Doorashada Golaha Shacabka BFS ee Gobolada Waqooyi (Somaliland)” ee soo baxay Tr: 30/10/2021, Qodobka 3aad farqadiisa 12aad ee u qoran sidatan (wixii Khilaafaad ah ee ay Guddiga xulista ergooyinka beeluhu xallin kari waayaan waxaa xallin doona oo go’aan kama danbeys ah ka soo saaraya Gudoonka Sare ee Doorashooyinka Somaliland) wuxuu cadeynayaa in qodobkani uu si toos ah uga hor imaanayo mas’uuliyaadka loo igmadey Guddiga Xalinta Khilaafaadka, aysana jirin cid kale oo awood shari ah u leh xallinta cabashooyinka ka dhasha Doorashooyinka dadban 2020-2021.

Sidoo kale, Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada dadban wuxuu xasuusinaynaa Guddiyada Maamulka Doorashooyinka Heer Dawlad Goboleed (SEIT) iyo Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federal (FEIT) in ay dhawraan dhamaan Heshiisyadii ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaran, gaar-ahaan War-murtiyeedkii Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee soo baxay 21-22 Agoosto 2021, Qodobkiisa 2-aad ee Habraaca xulista ergooyinka doorashada iyo Qodobkiisa 5-aad ee Hindisaha Daahfurnaanta Doorashada 2021.

Ugu danbeyn, Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban (GXKHDD) ee 2020/2021, Asagoo gudanaaya waajibaadkiisa shaqo si waafaqsan Heshiiskii 17 Septembar 2020 iyo dhamaan Habraacyadii ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka dhawrayana hufnaanta doorashada si ay u dhacdo doorasho hufan oo cadaalad ah, wuxuu ugu baaqayaa Gudoonka Sare ee Doorashooyinka Somaliland in ay si deg deg ah u saxaan Qodobka 3aad farqadiisa 12aad ee Habraaca Doorashada Golaha Shacabka BFS ee Gobolada Waqooyi (Somaliland) oo ay waafajiyaan Heshiiskii 17 Septembar 2020 iyo Habraacyadii ay soo baxay Golaha Wadatashiga Qaran.

 

Previous Post

Dhageyso Bar. Sahanka Raadiyaha ee Radio Muqdisho

Next Post

Ra’iisal wasaaraha XFS oo Wasiirka amniga uga tacsiyeeyay geerida Hooyadii Xabiiba Cariif Weydow

Next Post
Ra’iisal wasaaraha XFS oo Wasiirka amniga uga tacsiyeeyay geerida Hooyadii Xabiiba Cariif Weydow

Ra’iisal wasaaraha XFS oo Wasiirka amniga uga tacsiyeeyay geerida Hooyadii Xabiiba Cariif Weydow

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In