Wednesday, February 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Xeer Hoosaadka Ee Baarlamaanka Oo Kampala Uu Uga Furmay Aqoon Kororsi Ku Aadan Dib U Eegista Iyo Wax Ka Bedelka Xeer Hoosaadka “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Guddiga Xeer Hoosaadka Ee Baarlamaanka  Oo Kampala Uu Uga Furmay Aqoon Kororsi Ku Aadan Dib U Eegista Iyo Wax Ka Bedelka  Xeer Hoosaadka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga Xeer Hoosaadka,Anshaxa iyo Xasaanadda Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa si rasmi ah magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda uga furmay aqoon kororsi la xiriira habraaca ugu fudud ee loo mari karo wax ka bedelka iyo dib u eegista had iyo jeer lagu sameeyo Xeer Hoosaadka Golaha.

Munaasabad kooban oo lagu furayey aqoon kororsigan waxaa ka qeybgalay Guddoonka iyo Xubnaha Guddiga Xeer Hoosaadka,Anshaxa iyo Xasaanadda ee Baarlamaanka, Xildhibaanno kale oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka socotay hay’adda tababarkan taaba gelineysa ee AWEPA.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadaan

Madaxweynaha JFS oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadaan

February 17, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadan

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadan

February 17, 2026

Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) oo faah faahin ka bixiyey aqoon kororsiga magaalada Kampala uga furmay Guddiga Xeer Hoosaadka ee Baarlamaanka ayaa tilmaamay in Xeer Hoosaadka uu yahay furaha Baarlamaanka islamarkaana mar walba oo Kalfadhiga Goluhu furmayo wax ka bedel iyo dib u eegis lagu sameeyo ayadoo la eegayo qodobbadii saameynta lahaa Kalfadhigii lasoo dhaafay islamarkaana mudada uu tababarkan socdo ee u dhaxeysa 03-07March ay guddigu diiradda saari doonaan qodobbada wax ka bedelka u baahan.

Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa la filayaa in uu soo xero tababarkan oo qeyb ka ah tababarro dhowr ah oo guddiyada Golaha Shacabka ku qaadan doonaan dalka dibaddiisa inta lagu jiro fasaxa caadiga ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

—-DHAMMAAD—
DSC_4355

DSC_4364

DSC_4366

DSC_4368

DSC_4371

DSC_4373

DSC_4379

DSC_4380

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Guddoonka Baarlamaanka

Media and Public Relation Office Of Speaker

Email:- [email protected]

Previous Post

Dhageyso War Duhur Radio Muqdisho

Next Post

Gudoomiyaha Iyo Gudoomiye Ku Xigeenka 2aad Ee Baarlamaanka Oo Booqasho Taariikhi Ah Ku Tagay Baarlamaanka Dalka Jarmalka “SAWIRRO”

Next Post
Gudoomiyaha Iyo Gudoomiye Ku Xigeenka 2aad Ee Baarlamaanka Oo Booqasho Taariikhi Ah Ku Tagay Baarlamaanka Dalka Jarmalka “SAWIRRO”

Gudoomiyaha Iyo Gudoomiye Ku Xigeenka 2aad Ee Baarlamaanka Oo Booqasho Taariikhi Ah Ku Tagay Baarlamaanka Dalka Jarmalka “SAWIRRO”

Madaxweynaha JFS oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadaan

Madaxweynaha JFS oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadaan

February 17, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan Ummadda Islaamka bilashada bisha barakeysan...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadan

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadan

February 17, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay curashada bisha Barakaysan ee Ramadaan, ayaa ugu...

Wasaaradda Shaqada XFS oo Muqdisho ku qabatay shirka Isku-duwidda Ilaalinta Bulshada

Wasaaradda Shaqada XFS oo Muqdisho ku qabatay shirka Isku-duwidda Ilaalinta Bulshada

February 17, 2026
0

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabatay Shirka Isku-duwidda Ilaalinta Bulshada (Social Protection...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan qado ah ku maamuusay xubnaha Golaha Mustaqbalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan qado ah ku maamuusay xubnaha Golaha Mustaqbalka

February 17, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan qado ah maanta ku maamuusay xubnaha Madasha Mustaqbalka ee ajiibay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In