Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka ayaa billaabay kulamo wadatashi ah oo lala Yeelanayo qeybaha kala duwan ee Bulshada, si ay u qabtaan howlaha horyaala.
Kulankaan oo ay ka qayb galeen Aqoonyahanno, Waxgarad Ururada Haweenka Dhallinyaro iyo Abwanno Soomaaliyeed, waxaana goobjoog ahaa Xubno ka Socday Wasaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka iyo Xildhibaanno Baarlamaanka ka tirsan.
Xubnihii ka qayb galay kulanka ayaa soo jeediyay Talooyin muhiim ah kuwaas oo ay u riyaaqeen Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka shaaciyayna inay ku dhaqmi doonan.
Xoghaya Guddiga Madaxa bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka Liibaan Cali Sahal ayaa sheegay in Guddiga Shaqooyinka horyaalla oo ay qaban doonaan ay tahay in marka hore la hagaajiyo Xiriirka Dowladda Dhexe iyo Dowlad Gobolleedyada dalka kajira.
Guddoomiyaha Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka Khaliif Cabdikariin Maxamed Ayaa hadal dheer kaddib ballan qaaday in guddiga uu dadaal badan ku bixin Doono sidii uu uga soo bixi laha howsha uu Qaranka u hayo, isla markaana uu Xoojin doono kulamada uu la yeelanayo qaybaha kala duwan ee bulshada.