Xubnaha Guddiga xaqiiqa raadinta ahaa ee ka kala socday Xildhibaannada golaha shacabka iyo Maamulka Koonfur Galbeed oo gaaray magaalo xeebeedka Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxaa halkaasi kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Maamul Goboleedka Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaaladaasi.
Guddiga ayaa magaalada Boosaaso kulan kula qaatay bulshada kasoo jeeda deegaannada Koonfur Galbeed ee ku nool magaaladaasi, iyagoo ka xog wareystay xaalka deegaannada ay ku noolyihiin iyo hadii ay jiraan caqabado heysta, waxaana intaaasi kaddib ay kormeereen xabsiyada magaaladaasi oo ay dad eedeymo kala duwan loo heysto ay ku xiranyihiin, kuwaasi oo ka hadlay qaar ka mid bulshadii iyo waxgaradkii Kulanka ka qeybgay iyo sidoo kale Xildhibaanno.
Sidoo kale xubnaha guddiga ayaa kulan la qaatay madaxda Dowlad Goboleedka Puntland, waxaana ka mid ah Wasiirka Dekadaha, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Guddoomiyaha Gobolka Bari iyo sidoo kale Taliska qeybta booliska, waxaana kulanka inta uu socday aad looga hadlay dadka xabsiyada ku xiran iyo dembiyada loo heysto iyo sidoo kale in la kala saaro oo si deg deg dadka xiran maxkamad loo horkeeno si dembiilayaasha ay garsoor cadaalad ah u helaan, halka kuwii dembi lagu waayana dib xoriyadooda loo siiyo.
Guddigan ayaa loo diray in ay warbixino xaqiiiqo raadin ah ka keenaan dhibaatooyinkii dadka badan lagu laayay ee dhawaan ka dhacay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb ee Gobollada Mudug iyo Galgadood, kuwaasi oo Gaalkacyo kula kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada.