Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiyada shaqada ee Soomaaliya iyo Qadar oo Dooxa ku kulmay

caqiil by caqiil
6 years ago
in Wararka
0
Guddiyada shaqada ee Soomaaliya iyo Qadar oo Dooxa ku kulmay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga dib u howl-gelinta heshiiska Soomaaliya iyo Qadar ee ku saabsan fursad siinta Muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay Dalkaasi ka helaan fursado shaqo ayaa la kulmay Guddiga dhiggooda ah ee Dalka Qadar.

Heshiiska Labada Dal, waxaa la saxiixay Sannadkii 1983-dii iyadoo dib loo howl-geliyey dabayaaqadii September ee Sanadkan, kaddib markii Wasiirka  Wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane; Sadiiq Xirsi Warfaa uu safar shaqo ku tagey Dalka Qadar, halkaas oo uu kula kulmay mas’uuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda hormarinta maamulka, shaqada iyo arrimaha Bulshada ee Dalka  Qadar ,Mudane Maxamed Bin Yusuf Al-uthman Fakhruu.

Related posts

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026

Wasaaradaha Shaqada ee Labada Dal waxay soo Magacaabeen  Guddi ka kooban Lix xubnood  oo loo xil-saaray isku xirka iyo dhaqan-gelinta heshiiska.

Waxaa Maalmahaan Caasimadda Dooxa shir ku lahaa Guddiga isku xirka iyo dib u howl-gelinta heshiiska adeegsiga shaqaalaha ee Labada Dal, waxaana xalay Guddigu uu  saxiixay qorshe how-leedka lagu fulinayo heshiiska waxaana ka mid ah;

1.    In Labada Dal is-weydaarsadaan liiska shirkadaha ka shaqeeya arrimaha la xiriira qaadista shaqaalaha Dalka dibeddiisa loo qaadayo.

2.    Waxaa la isla gartay in Dowladda Soomaaliya ay qeyb ka hesho shaqaalaha ka shaqeyn doona Koobka Adduunka ee lagu qaban doono Dalka Qadar Sannadka 2022-ka.

3.    Dawladda Qadar waxay adkeynaysaa ahmiyadda ay leedahay  in Shaqaalaha Soomaaliyeed uu u furanyahay suuqa shaqada ee Dalka Qadar.

4.    Waxaa la isla gartay in la abuuro diiwaan laga heli karo xogta iyo macluumaadka shaqaalaha Soomaaliyeed oo dhammaystiran.

5.    Labada Wasaaradood waxay isla garteen in ay yeeshaan Xafiisyo ka mas’uul ah xiriirinta arrimaha shaqaalaha.

a.    Soomaaliya waxaa u qaabbilsan Xafiiska xiriirka arrimaha Carabta ee Wasaaradda Shaqada.

b.    Sidoo kale Dowladda  Qadar waxaa u qaabbilsan Xafiiska xiriirka Caalamiga ah ee Shaqaalaha.

Labada Guddi ayaa hoosta ka wada xarriiqay in sida ugu dhaqsiyaha badan howsha loo billaabo, si shaqaalaha Soomaaliyeed ay fursad shaqo u helaan korna loogu qaado wada shaqeynta iyo xiriira Labada Wasaaradood.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Beesha Caalamka ugu baaqay in wax laga beddelo qaabka loo caawiyo Dowladda Soomaaliya

Next Post

Sheekada IskuMaan 13/11/2019

Next Post
Sheekada Iskumaan 04/11/2019

Sheekada IskuMaan 13/11/2019

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay weheliyaan hoggaanka sare ee hay’adda, ayaa ka...

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

January 31, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa maanta si...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In