Saturday, September 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo Daah-furay Madasha AGA ee Horumarinta Afka Hooyo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Aqalka Sare oo Daah-furay Madasha AGA ee Horumarinta Afka Hooyo “SAWIRRO”

?

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadan ku saabsaneyd Daah-furka Madasha AGA ee Horumarinta Afka Hooyo iyo Hal-abuurkiisa, ayna ka soo qeyb galeen madax ka kala socotay Aqalka Sare ee Baarlammaanka, Golaha Wasiirada, Xildhibaanno, Mas’uuliyiinta Akadeemiye-Goboleedka Af-Soomaaliga, Naadiyada Akhriska iyo Qoraalka, Aqoonyahano iyo Marti-sharaf aad u fara badan ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasabada oo aad u xiiso badneyd ayaa waxaa lagu furay suugaan kala duwan oo ka hadlaysay qiimaha iyo hoddontinimada afka Soomaaliga iyo khudbad dhaxal gal ah oo uu halkaasi ka soo jeediyay Ku-simaha Guddoomiyayah Golaha Abwaanada Xirsi-dhuux Maxamed oo bogaadiyey dadaalka weyn ee ay ilaalinta Afka hooyo ugu jirto Akakadeemiye-Goboleedka Af-Soomaaliga.

Related posts

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shir-Goboleedka Wasaaraddaha Maaliyadda ee Arrimaha Cimilada Maaliyadda

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shir-Goboleedka Wasaaraddaha Maaliyadda ee Arrimaha Cimilada Maaliyadda

September 12, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xaflad sagootin ah u sameeyay Safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xaflad sagootin ah u sameeyay Safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya

September 12, 2026

Gudoomiyaha Akademiye-Goboleedka Af-Soomaaliga Prof. Maxamed Daahir Afrax ayaa si cilmiyeysan uga hadlay taariikhda iyo heerarkii ay soo martay Akademiyada AGA, waxaana uu sheegay sababtii loo unkay AGA inay ahayd sidii halista looga bad-baadin lahaa afka hooyo looguna hawlgali lahaa horumrintiisa, isagoo intaasi raaciyay Himilooyinka Akadeemiyadu inay ka mid tahay sidii looga faa’iideysan lahaa awoodda Af-Soomaaligu u leeyahay inuu ahaado Nabad-side walaaleeya dadka Soomaaliyeed dhexdooda iyo iyaga iyo dadyowga kale.

Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Prof. Maxamed Axmed Jimcaale iyo Guddoomiyaha Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Maxamed Baarqab ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin furitaanka madashaasi qaabilsan horumarinta afka Soomaaliga, waxaana ay ku cel-celiyeen inay si dhaw ula shaqeyn doonaan Akadeemiye-Goboleedka Af-Soomaaliga.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Eng, C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow) oo isna munaasbadaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo furitaanka Madasha AGA, waxaana uu hoosta ka xariiqay in Wasaaradiisu ay go’an tahay sidii ay Akadeemiyada AGA ugala shaqeyn laheyd illaalinta afka Soomaaliga, isagoo ugu yeeray Shacbiga Soomaaliyeed in muwaadin walba uu xil gaar ah iska saaro sidii uu ugu faro adeygi lahaa afkiisa hooyo.

Gudoomiyaha Aqalka Sare Md, Cabdi Xaashi C/llaahi oo si rasmi ah ugu dhawaaqay Daah-furka Madasha AGA ee Horumrinta Afka Hooyo iyo Hal-abuurkiisa ayaa sheegay inuu ka wel-welsan yahay xaaladda uu xilligaan ku sugan yahay afka Soomaaliga, waxaana uu ku baaqay in laga hor tago afdilayaasha weerarka ku haya afka Soomaaliga, isagoo dhanka kale u mahad celiyay Akadeemiyada AGA oo had iyo goor u taagan kor u qaadida afka Soomaaliga.

Xafladaasi oo ku dhacday jawi aad u wanaagsan ayaa intii ay socotay waxaa lagu daawaday muuqaal kooban oo ka hadlayay tariiqda, aas-aaska iyo waxqabadka Akadeemiyada AGA, Madasha AGA ee maanta laga daah furey Muqdisho ayaa noqonaysa madal Bille ah, waxaana si joogtaysan ugu kulmi doonaan bahda Akadeemiyaha, ehelada AfSoomaaliga iyo suugaantiisa, bahda Dhaqanka iyo aqoon-faafinta, bahda Waxbarashada iyo cilmi-baarista, bahda Warbaahinta iyo guud  ahaanba inta ku hawlan ama jecel afka,  hal-abuurka, dhaqanka, qoraalka iyo aqoonta. Waxaa si gaar ah uga faa`iidaysan doona dadka ay ugu horeeyan da`yarta xiiseeya akhriska iyo qoraalka.

Akadeemiye-Goboleedka Af-Soomaaliga (AGA) waa xarun cilmiyeed loo abuuray daryeelka iyo horumarinta Af-Soomaaliga iyo suugaantiisa, laguna aasaasay Jabuuti 2013, waana madal ay ku bahoobeen dalalka Geeska Afrika ee Soomaalidu degto, Af-Soomaaligana lagaga hadlo, xarunteeduna waa Muqdisho, waxaana  si  madax bannaan u maamulo  gole ka kooban aqoonyahanno u kala dhashay dalalka AGA ku midaysan oo lagu soo  xulay ku xeel-dheeridooda Af-Soomaaliga iyo suugaantiisa.

Himilada Akadeemiye-Goboleedka Af-Soomaaligu waa Af-Soomaaliga oo halista ka badbaada, adeegsigiisa la saxo lana xoojiyo, lagana dhigto nabad-side walaaleeya Soomaalida iyo idil ahaanba ummadaha Geeska Afrika.

?

Previous Post

Fursado shaqo oo ka banaan Wasaaradda Maaliyadda.

Next Post

Naadiga Maskaxshiil oo Arday u soo gababeyay Tababar ku saabsan Qoraalka

Next Post
Naadiga Maskaxshiil oo Arday u soo gababeyay Tababar ku saabsan Qoraalka

Naadiga Maskaxshiil oo Arday u soo gababeyay Tababar ku saabsan Qoraalka

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shir-Goboleedka Wasaaraddaha Maaliyadda ee Arrimaha Cimilada Maaliyadda

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shir-Goboleedka Wasaaraddaha Maaliyadda ee Arrimaha Cimilada Maaliyadda

September 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasimaha Fulinta Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimilada Soomaaliya, Mudane Liban Obsiye, ayaa magaalada Salvador, ee dalka Brazil uga qaybgalay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xaflad sagootin ah u sameeyay Safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xaflad sagootin ah u sameeyay Safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya

September 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa magaalada Muqdisho xaflad sagootin ah...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Xoghayaha Guud ee Raabidada Caalamka Islaamka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Xoghayaha Guud ee Raabidada Caalamka Islaamka

September 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Xoghayaha Guud ee Raabidada Caalamka...

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
0

Waxaa magaalada Nairobi lagu qabtay Shirka Heerka Sare ee Iskaashatada Horumarinta iyo Wakiillada Diblomaasiyadeed ee Dib-u-soo-nooleynta Webiyada Nairobi, kaas oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In