Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Aqalka sare oo kulamo la qaatay Madaxda Jubbaland “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
December 7, 2018
in Wararka
0
Guddoomiyaha Aqalka sare oo kulamo la qaatay Madaxda Jubbaland “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiya Aqalka sare ee Soomaaliya, Mudane, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo shalay gaaray magaalada Kismaayo ayaa xalay kulamo la qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaan (Axmed madoobe), iyagoo ka wada hadlay arrimo badan oo ku aaddan xaaladda uu haatan Dalka marayo.

 

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

Sidoo kale Guddoomiye, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta kulamo kale la yeeshay Golayaasha maamulka Jubbaland , oo uu hoggaaminayo Madaxweyne ku-xigeenka Koobaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan.

Madaxweyne ku xigeenka koobaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aaden, ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan diyaarna u yihiin ujeeddooyinka uu xambaarsan yahay safarka Guddoomiyaha, taasoo salka ku haysa mad-madoowgii soo kala dhex galay Dowladda dhexe iyo maamullada Dalka qaarkood iyo sidii loo soo Afjari lahaa.

Guddoomiya Aqalka sare ee Soomaaliya, Mudane, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa Maamulka Jubbaland ku ammaanay sidii ay ugu Dhega nuglaadeen soo jeedintii Dowladda dhexe ee ahayd inay aqbaleen turxaan bixinta wixii jira, iyagoo jawaabo waafiya ka helay maamulka Kismaayo.

Guddoomiye, Cabdi Xaashi ayaa ugu dambayn sheegay inay diyaar u yihiin dhammaystirka wixii ka haray wada xaajoodyada, wuxuuna intaa raaciyay inay safarro kan la mid ah ku tegi doonaan dhammaan maamul Goboleedyada kale ee Dalka.

Sawir Qaade: Cabaas Maxamed Faarax

 

Previous Post

Howlgal qorsheysan oo lagu soo qabtay xubno ka tirsan argagixisada Al-Shabaab

Next Post

Bahda Garsoorka Ciidanka oo tacsi u diray Shuhadadii ku baxday gacanta Arga-gixisada…

Next Post
Bahda Garsoorka Ciidanka oo tacsi u diray Shuhadadii ku baxday gacanta Arga-gixisada…

Bahda Garsoorka Ciidanka oo tacsi u diray Shuhadadii ku baxday gacanta Arga-gixisada…

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In