Thursday, April 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Aqalka Sare “Xukuumaddu waxay na siisay jawaabtii aan ka sugeynay oo nasiineysa fursad aan ku howlgalno” +Sawirro

caqiil by caqiil
7 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Aqalka Sare “Xukuumaddu waxay na siisay jawaabtii aan ka sugeynay oo nasiineysa fursad aan ku howlgalno” +Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay ka heleen jawaabo ku aadan siddii xal looga gaari lahaa tabashooyinka ay soo gudbiyeen madaxda dowlad goboleedyada Dalka.

Kadib kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare oo uu shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ayaa waxaa ay kaga hadleen arrimahaasi, waxaana guddoonka Aqalka Sare uu sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka soo jawaabtay  farrimaha ku aadan wax ka qabashada tabashooyinka jira.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Golaha Aqalka sare u gudbiyey guddi uu u magacaabay ka shaqeynta xalinta tabashooyinka Dowlada Goboleedyada, kaasi oo la shaqeyn doona Golaha Aqalka Sare.

Guddigaan uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ka kooban ilaa 4 xubnood ayaa guddoomiye u ah Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta XFS, iyaddoo ay sidoo kale xubno ay ka yihiin Wasiiradda  Dastuurka, Maaliyadda iyo Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya.

Guddoomiyha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kulanka kadib la hadlay Warbaahinta Qaranka, ayaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uga mahad celiyey Jawaabta ay ka siiyeen siddii Xal loogu heli lahaa is afgaran waaga u dhaxeeya Dawladda federaalka Soomaaliya iyo Dawlad goboleedyadda.

“Waxaan marka hore mahad u  celineynaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo nasoo siisay jawaabtii aan ka sugeynay oo nasiineysa fursad aan ku howlgalno, waxaan rabnaa in aan ka shaqeyno siddii dalkeenu u gaari lahaa Nabad, Wadashaqeyn iyo Midnimo” ayuu yiri guddoomiyaha Golaha Aqalka sare.

Previous Post

Dowladda Soomaaliya oo Baaq Nabadeed u dirtay Beelaha Walaalaha ah ee ku dirirsan Gobalka Sool

Next Post

Guddiga KheyraadKa Dabiiciga iyo Bay’adda ee Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Ku-simaha Wasiirka Batroolka iyo Macdanta +Sawirro

Next Post
Guddiga KheyraadKa Dabiiciga iyo Bay’adda ee Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Ku-simaha Wasiirka  Batroolka iyo Macdanta +Sawirro

Guddiga KheyraadKa Dabiiciga iyo Bay’adda ee Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Ku-simaha Wasiirka Batroolka iyo Macdanta +Sawirro

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa degmada Xuddur gargaar raashin ah u qeybisay 1,000 qoys oo isugu jira danyar, dad naafo...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

April 2, 2026
0

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee (GANHRI), oo muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Geneva, ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In