Guddoomiyaha Arrimaha Horumarinta Bulshada Dhaqanka iyo Warfaafinta ee Aqalka sare Axmed Macalin Cumar “Axmed Nadiir” ayaa bogaadiyay Guutada 14-ka Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka oo ku guuleystay in lakala qaado Maleeshiyo beeleed muddo 6 sano ah isku hor fadhiyay magaalada Marka ee Xarunta Shabeellaha Hoose.
Axmed Nadiir oo la hadlay Wakaalada SONNA ayaa sheegay in Magaalada Marka ay hada nabad tahay isla markaana ay Shacabka rajo badan ka qabaan inay Magaalada ku talaabsato hormarada Amniga, Caafimaadka iyo Waxbarashada.
“Xaalada Magaalada Marka Lix sano ayay mugdi u aheyd oo Nolosha caadiga aysan ka jirin xag caafimaad iyo Waxbarasho laakiin hada waxaan leenahay Magaalada Marka waxay kusoo socotaa sideedii hore inay noqoto oo rajo badan ayaa laga qabaa, waxaana kaga mahad celineynaa Guutadda 14-Oktoobar oo ku guuleysatay amniga iyo dib u heshiisiinta”.
Sidoo kale Senator Axmed Macalin Cumar ayaa amaanay Taliyaha Guutada 14-Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka uu sheegay inuu Shacabka kasbaday isla markaana dadaal badan ku bixinaya guud ahaan Xasiloonida magaalada.
“Markii aan dadweynaha dhageysanayay waxay ku sifeeyeen Axmed Gaashaan oo ah Taliyaha Guutada 14-Oktoobar nin Halyeey oo u qalma howsha ay Dowlada Federaalka usoo xilsaartay, wuxuuna ku guuleystay inuu nabadeeyo Magaalada isla markaana uu isku keenay Maleeshiyadii Lixda sano is horfadhiyay uuna heshiisiiyay”.
Guddoomiyaha Arrimaha Horumarinta Bulshada Dhaqanka iyo Warfaafinta ee Aqalka sare ayaa Madaxweynaha Soomaaliya kaga mahad celiyay inuu si hoose ula socdo Xaalada Magaalada Marka oo isbedeladii dhanka amniga uu sameeyay ay suurta galisay in ciidammada ay ku guuleystaan amniga guud ahaan magaalada, iyagoona Al shabaab ka sifeeyay Marka iyo deegaanada u dhow.