Tuesday, March 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta oo dalalka Carabta ugu baaqay inay taageeraan dowladda Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta oo dalalka Carabta ugu baaqay inay taageeraan dowladda Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Barlamaanka Carabta Caadil Al Casuumi oo dalalka Carabta ugu baaqay in ay taageeraan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta: Waxaan ugu baaqeynaa walaalaha Soomaaliya in ay u hoggaansamaan wada hadalka oo ah xalka kaliya ee lagu gaari karo is afgarad ku saabsan doorashooyinka qaranka iyo in la taageero Xasilloonida Soomaaliya.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026

Mudane Caadil bin Cabdulraxmaam Al-Casumi,Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, waxa uu walaalaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ugu yeerayaa inay si wax ku ool ah uga qaybqaataan wadahadallada qaran ee uu ujeedkiisu yahay in la gaaro is afgarad ku saabsan doorashooyinka qaranka, iyo in laga shaqeeyo dhameystirkooda, si loo gaaro horumar siyaasadeed iyo mid dastuuri ah intaba, taasoo muhiim u ah amniga Iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Guddoomiyaha baarlamaanka carabta wuxuu adkeeyay in u hogaansamida wada hadallada siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya, dowladaha Xubnaha ka iyo dhinacyada kale ee Soomaaliyeed ee ay khuseeyo.

Wadahadallada waa xalka kaliya ee looga gudbi karo dhibaatooyinka iyo caqabadaha hortaagan diyaarinta doorashooyinka guud ee ka dhacaya dalka, sidoo kale dalalka Carabta waxaan ugu baaqayaa inay garab istaagaan Soomaaliya oo ay ku taageeraan Ka gudubka caqabadaha jira iyo inay taageeraan dadaallada looga jiro in dalka lagu jiheeyo dhabbaha nabadda, horumarka iyo barwaaqada.

Al-Casuumi wuxuu xaqiijiyey mowqifka adag ee baarlamaanka carabta ee ku aadan taageerada Jamhuuriyadda Soomaaliya ee dhammaan dadaalada loogu talagalay in lagu gaaro is afgarad qaran oo dhameystiran, iyo kor u qaadidda amnigeeda iyo xasilloonideeda heer kasta.

 

Previous Post

Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo ka digtay hurinta Colaad Sokeeye

Next Post

Tartameyaasha Degmada Gaalkacyo oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Next Post
Tartameyaasha Degmada Gaalkacyo oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartameyaasha Degmada Gaalkacyo oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka "SAWIRRO"

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo lagu burburiyay xarumo ay...

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026
0

Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa gaaray guul taariikhi ah kaddib ciyaar adag oo ay la yeesheen dhiggooda Mauritius,...

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

March 31, 2026
0

Waxaa maanta xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) lagu qabtay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

March 31, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryan Qaasim, iyo wafdigeeda ayaa ka qayb galay shirka Golaha Guud ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In