Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 11-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankiisaย 12aadย ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Deyniile Vs Gaalkacyo oo ka kala tirsan Gobollada Benaadir iyo Mudug, waxaana barnaamijka sanadkan taabagelinaya Bangigaย IBS.
Tartameyaasha labada degmo eeย Deyniile ย Vsย Gaalkacyo ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.
Deyniile
Tartameyaasha Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey todobo Suโaal, todobadii suโaal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Afar suโaal, halka ay iska qaldeen Saddex suโaal, Ma jirin wax ka faaโiideysi ah oo ay heleen tartameyaasha Degmada Deyniile, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Deyniile ay heleen waxay noqotay Sideedย (8) dhibcood.
Gaalkacyo
Tartamayaasha Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug waxaa dhankooda la weydiiyay todobo suโaal, waxa ay ka jawaabeen Shan suโaal, waxa ay iska qaldeen Labo suโaal, waxa ay ka faaโiideysteen Hal suโaal oo soo hareermartay tartamayaasha Deyniile, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Gaalkacyo waxay noqotay Toban iyo labo (12) dhibcood.
Hadaba kulankiiย 12aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Gaalkacyo gobolka Mudug, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.
Habeen dambe oo ah habeenkaย 13aadย ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka Dhahar iyo Xudur oo ka kala tirsan Gobollada Sanaag iyo Bakool.

Sawir Qaade: Khadar Cali Nuur












