Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Iyo Ra’isulwasaaraha Oo Kormeeray Kulan Howleed Ku Saabsan Dhameystirka Dib U Eegista Dastuurka “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Baarlamaanka Iyo Ra’isulwasaaraha Oo Kormeeray Kulan Howleed Ku Saabsan Dhameystirka Dib U Eegista Dastuurka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo uu wehliyo ku xigeenkiisa Koobaad iyo Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta kormeeray kulan howleed magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya uga soconaya guddiga dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo guddiga dib u eegista Dastuurka ee madaxa banaan.

Guddoomiyaha guddiga dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim ayaa ugu horeyn faah faahin ka bixiyey halka ay u mareyso shaqada wadajirka ay u wadaan guddiga dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo guddiga madaxa banaan ee dib u eegista Dastuurka waxaana ay xustay in ay labada guddi ay hada isla eegeen Afarta cutub ee hore ayadoo cutubka Shanaadna ay howshiisa gebo gebo u mareyso.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka ee dowladda Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamed Sheekh Xuseen oo isna ka hadlay goobta waxa uu aad u ammaanay shaqada ay wadajirka u wadaan guddiga dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo guddiga Madaxa banaan waxaana uu dhanka kale xusay in Wasaaraddana ay wadashaqeyn dhow la leedahay.

Guddoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Jeeylaani Nuur Iikar oo isna dhankiisa kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay in tallaabadan ay qeyb ka tahay istiraatiijiyad uu Guddoonka Baarlamaanka u dejiyey in dar dar ay ku socdaan howlaha Baarlamaanka taasina ay marqaati ka tahay shuruucda iyo qaraarrada uu Golaha meel mariyey inta lagu jiro Kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa isna dhankiisa bogaadiyey shaqada ay sida wadajirka ah u hayaan guddiga dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo guddiga madaxa banaan waxaana uu dhanka kale sheegay in Xukuumadda ay muhiimad gaar ah siineyso dhameystirka dib u eegista Dastuurka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo gebagebadii u jeediyey hadal dar daaran iyo bogaadin isugu jiray labadan guddi ee sida wadajirka ah uga shaqeynaya iney cutub cutub u eegaan dastuurka dalka waxaana uu sharaxay in shaqadan sida ay ku socoto ay Guddoonka Baarlamaanka uga gol leeyihiin in laga gun gaaro muhiimadda dib u eegista Dastuurka ayadoo markii shaqadan ay soo gebagebowdana la horgeyn doono dib u eegistaasi kulanka Baarlamaanka.

Kulan howleedkan qeybta ka ah dib u eegista Dastuurka dalka ayaa waxaa fududeyneysa hay’adda Max Planck Foundation ee dalka Jarmalka ayadoo kulankana ay goobjoog ka yihiin islamarkaana wax ka bixinayaan quburro Soomaali ah oo ka tirsan isla hay’addan.

5db8297a-0063-481e-8f4b-49852fdb4701 123bec92-cdd8-4a54-9884-a4baa6a30c89 8240513b-2df2-4c2f-a4ca-02ccaadb6f2f a6e1bf5d-d10d-4840-a56b-5d3a1a530f2a c4ed4588-614e-44d3-b2b2-f8a0cf0a09a6 cf09c657-124b-483e-9508-b5ad92c986a2 e164113e-d1cb-4449-9343-27c475dbce3d

Previous Post

Danjire Daahir Geelle oo la kulmay wasiirka beeraha ee dalka Sacuudiga

Next Post

Musharax Ibraahim Xabeeb Nuur Oo Gaaray Magaalada B.weyne Si Wanaagsana Loogu Soo Dhaweeyay “Sawirro”

Next Post
Musharax Ibraahim Xabeeb Nuur Oo Gaaray Magaalada B.weyne Si Wanaagsana Loogu Soo Dhaweeyay “Sawirro”

Musharax Ibraahim Xabeeb Nuur Oo Gaaray Magaalada B.weyne Si Wanaagsana Loogu Soo Dhaweeyay "Sawirro"

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In