Saturday, May 24, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Ka Tacsiyadeeyey Geerida Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 7, 2015
in Wararka
0
Guddoomiyaha Baarlamanka F. S. oo la kulmay saraakiisha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa ka tacsiyadeeyey geeerida Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan oo fiidnimadii caawa ku geeriyooday isbitaal ku yaala magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa yiri “INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN hor iyo horaan anigoo ku hadlaya magaceeyga, magaca Guddoonka Golaha Shacabka iyo magaca Xildhibaannada Baarlamaanka waxaan ka tacsiyadeynayaa geerida ku timid allaha u naxariistee Xoghayaha guddiga arrimaha gudaha ee Baarlamaanka Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan oo gacan ka xaq daran sababsaday, waxaan Alle uga baryayaa naxariistiisa jano in uu siiyo, si gaar ah waxaan tacsi ugu dirayaa qoyska,carruurta iyo shacabka uu metelayey”.

Related posts

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga oo dardaaran iyo dhiirrigelin ugu tagay ciidanka XDS ee ku sugan jiiddaha hore ee gobolka Shabeellada Dhexe

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga oo dardaaran iyo dhiirrigelin ugu tagay ciidanka XDS ee ku sugan jiiddaha hore ee gobolka Shabeellada Dhexe

May 24, 2025
Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka xal u helista Barakacayaasha oo Addis ababa lagu qabtay

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka xal u helista Barakacayaasha oo Addis ababa lagu qabtay

May 24, 2025

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa sidoo kale Alle ka baryey in samir iyo iimaan uu Alle naga wada siiyo Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan waxaana uu dhanka kale ka dalbaday hay’adaha ammaanka oo hada ku howlan baaritaan iney jawaab deg deg ah ka keenaan falkaasi dilka ah.

—-DHAMMAAD—-

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Guddoonka Baarlamaanka

Media & Public Relation office of Speaker

Previous Post

R.wasaare Sharma’arke oo Dhagax Dhigay Dib u Dhiska Safaarada Soomaliya Ee Kenya”Sawirro”

Next Post

Madaxweyne Xasan “Hey’adaha ammaanka waa inay sharciga horkeenaan dhagar-qabayaasha Xildhibaanka dilay”

Next Post
Madaxweynaha oo mar kale ku boorriyey xukuumadda xalinta tabashooyinkii ka dhashey dhismaha baarlamanka maamulka Jubba

Madaxweyne Xasan "Hey’adaha ammaanka waa inay sharciga horkeenaan dhagar-qabayaasha Xildhibaanka dilay”

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga oo dardaaran iyo dhiirrigelin ugu tagay ciidanka XDS ee ku sugan jiiddaha hore ee gobolka Shabeellada Dhexe

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga oo dardaaran iyo dhiirrigelin ugu tagay ciidanka XDS ee ku sugan jiiddaha hore ee gobolka Shabeellada Dhexe

May 24, 2025
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLADA DHEXE) Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, Sheekh Abuukar, ayaa dardaaran adag u jeediyay ciidamo ka tirsan Gor Gor Xoogga Dalka Soomaaliyeed...

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka xal u helista Barakacayaasha oo Addis ababa lagu qabtay

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka xal u helista Barakacayaasha oo Addis ababa lagu qabtay

May 24, 2025
0

RADIO MUQDISO(ADDIS ABABA): Waxaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya lagu soo gabagabeeyay shir heer gobol ah oo looga hadlayay...

Guddoomiye kuxigeenka 2-Aad ee golaha shacabka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzaaniya

Guddoomiye kuxigeenka 2-Aad ee golaha shacabka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzaaniya

May 24, 2025
0

RADIO MUQDISHO(DAARUSALAAM): Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo wafdi Xildhibaano ah...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Ambassador Jamaal

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Ambassador Jamaal

May 23, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ee SoDMA, Mudane Maxamud Macallim Cabdulle ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ambassador Jamaal Maxamed Xasan Madaxa xarunta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In