Friday, April 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Uganda Uga Qeybgalay Shirka 8aad Ee Baarlammaannada IGAD “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Uganda Uga Qeybgalay Shirka 8aad Ee Baarlammaannada IGAD “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa dalka Uganda uga qeybgalay shirka 8aad ee Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada dalalka urur goboleedka IGAD.

Shirkan oo furmar 18kii bishan ayaa soo gebageboobay gelinkii dambe ee maanta oo Isniin ah 19ka bisha September waxaana mudada labada cisho ee uu socday looga hadlay ansixinta go’aannadii kasoo baxay shirkii 7aad ee Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada IGAD oo bishii June lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Ethiopia ,dejinta miisaaniyadda Ururka,arrimaha koonfurta Sudan iyo qodobbo kale.

Related posts

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026

Shirka 8aad ee Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada dalalka urur goboleedka IGAD ayaa gunaanudkiisa waxa laga soo saaray laba qaraar oo mid uu ku saabsan yahay Women Caucus oo IGAD oo lagu doortay guddiga fulinta oo Soomaaliya ay ka heshay xubin muhiim ah iyo qaraar ku saabsan dhammaan howlaha IGAD oo si gaar ah loo dul istaagay xal u helidda dhibaatada ka taagan Koonfurta Sudan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa ka ambabaxay dalka 17kii bishan kolkaas oo uu gaaray dalka Uganda si uu uga qeybgalo shirka 8aad ee Baarlamaannada IGAD oo halkaas ka socday inta u dhaxeysay 18-19ka September, maalinnimada berri ah ayaana wafdiga Guddoomiyaha ay dalka dib ugu soo laaban doonaan.

Gud Jawaari IGAD IPU (1) Gud Jawaari IGAD IPU (2) Gud Jawaari IGAD IPU (3) Gud Jawaari IGAD IPU (4) Gud Jawaari IGAD IPU (5)

—-DHAMMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Guddoonka Baarlamaanka

Media and Public Relation Office Of Speaker

Previous Post

Taliyaha booliiska oo la kulmay saraakiil midowga Yurub ka tirsan-Sawirro

Next Post

Soomaaliya ma rumeysana in is-afgaradkii 2009 lagu dhameeyo muranka badda-War saxaafadeed

Next Post
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Soomaaliya oo walaac  ka muujineysaa tahriibka iyo socdaalka sharci darada oo ay ku kacaan dhalinyarada Soomaaliyeed

Soomaaliya ma rumeysana in is-afgaradkii 2009 lagu dhameeyo muranka badda-War saxaafadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa degmada Xuddur gargaar raashin ah u qeybisay 1,000 qoys oo isugu jira danyar, dad naafo...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In